Wargeyska Indian Ocean Oo Warbixin Ka Qoray Heshiiska Somaliland Iyo Imaaraadka Carabta Ee Dekedda Berbera

0
933

Hargeysa(Geeska)-Wargeyska Indian Ocean Newsletter, ayaa warbixin faahfaahsan ka qoray heshiiska dhex maray Somaliland iyo Shirkada DP World ee ku saabsan dekedda Berbera.

dddd

Wargeyska, ayaa cadadkiisii u dambeeyay wuxuu warbixintiisa ku sheegay inuu xogo faahfaahsan ka helay heshiiska Somaliland iyo DP World, wuxuu ku sheegay in wada hadalo muddo sannado ah u socday Somaliland iyo shirkado badan la soo gunaanaday 9 May oo uu Madaxweyne Siilaanyo si rasmi ah u ogolaatay in dekedda Berbera loo gacan geliyo shirkadda DP World, “Cidda guulaysatay waa DP World, cidda guuldaraysatayna waa shirkadda Faransiiska ee Bolloré Africa Logistics.” ayuu wargeysku ku yidhi warbixintiisa.

Wargeysku wuxuu sheegay in DP world dekedda Berbera ku maalgelin doonto $ 200 oo milyan oo dollar, halka ay $ 242 milyan ee dollar ee kalena ay albaabada u furi doonto cidda maalgashanaysa.

Wargeysku wuxuu kaloo sheegay in wakiilka Somaliland ee Imaaraadka Carabta Baashe Cawil oo uu Madaxweyne Siilaanyo sodog u yahay la siin doono qandaraasyo hoose, “Intaas waxa dheer wakiilka Somaliland ee Dubai, oo uu Madaxweynuhu sodog u yahay Baashe Cawil Cumar, waxa durba la siiyay qandaraasyo hoose oo heshiiska mid ah.” ayuu wargeysku ku yidhi warbixintiisa.

Wuxuu kaloo wargeyska ION uu sheegay in Imaaraadka Carabtu Madaxweyne Siilaanyo u ogolaaday in marka uu xilka dhammaysto ku noolaado guri uu ka dhisan doono magaalada Dubai.

Wargeyska ION wuxuu kaloo sheegay in maareeyaha dekedda Berbera Cali Xoor-Xoor ay shirkadda DP u qaadan doonto la taliye. Sidoo kale ganacsadaha Cabdiraxmaan Boore ayuu wargeysku ku tilmaamay ninka ka dambeeyay in heshiiskani dhex maro Somaliland iyo DP world, isagoo xusay in Boore doonayo inuu maalgashado horumarka Berbera.

Geesta kale, wefti ka socda shirkadda DP World ayaa la filayaa inay maanta soo gaadhaan magaalada Berbera, iyagoo soo kormeeri doona dekedda Berbera, waxaana magaalada Hargeysa ka socdaalay wefti ka tirsan madaxtooyada oo wefitgaas galbin doona.