Waddani Oo Cambaareeyay Warbaahinta Ay Dawladu Maamusho

0
516

Picture4Hargeysa(Geeska)-Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa xukuumadda ku dhaliilay inay hantidii umadda sifo sharci daro ah ugu adeegsanayso xildhibaanadii golaha wakiilada iyo sida oo kale warbaahintii qaranka.

Waxa uu xisbiga Waddani si adag u dhaliilay warar uu ku tilmaamay dacaayado warbaahinta qaranka lagaga sii daayay,si majaraha looga duwo dooda qaran ee ay qabanayaan xisbiyada mucaaradka ah, iyaga oo xukuumadda ugu baaqay in la hagaajiyo warbaahinta qaranka.

Waxa sidan warbaahinta u sheegay guddoomiyaha gudida qaban qaabada dooda qaran Dr.Maxamed Cismaan Fadal iyo Xildhibaan Ibraahin Jaamac Cali (Rayte),iyaga oo si wada jir ah shir jaraaid ugu qabtay xarunta xisbiga Waddani.

Ugu horayntii Dr.Maxamed Cismaan Fadal ayaa ku adkaystay in xisbiyada mucaaradka ah aanay cidna qabashada dooda qaran uga fasax qaadanayn,waxaanu dhaliilo xukuumadda ugu soo jeediyay sida ay u maamusho warbaahinta qaranka“Doodan qaran horena waanu u sheegnay imikana waanu sheegaynaa xisbiyada mucaaradka ahi cidna uga fasax qaadan maayaan,cidna umma daba fadhiyaan xuquuqda xisbinimo iyo ta muwaadinnimo ayaa siinaysa oo horena waanu u qaban jirnay, cidna umaanu daba fadhiisan jirin cidna fasax ugamaanu qaadan jirin, Somaliland iyo xoriyaadkeeda iyo intay u soo dagaalantay iyo intay dadkoodu haystaan weeyaan. Waxa ayaan daro ah xoogaagii shilimada ahaa ee dadka laga ururiyay ee shalay xoolahii dhoofayay iyo baabuurtii dhakada laga saaray,in hadana dilaal iyo malaal iyo war beeneed lagu dhameeyo, oo Tv-gii qaranka ee dadku lahaa ee xoolahoodu galeen ee in dadka lagu wacyi galiyo oo war sugan lagu siiyo oo horumarka dadka lagu galiyo,dhalinyaradana hamiga loogu abuuro, in been abuur cad oo ay arkayaan ileen dadku ma caqli darnee,in maalin walba inta dad meel la soo safo waxaan xalaal ahayn oo ka dhagaysanaaya qaban,oo ka lagu leeyahay qabanin, oo ka leh laga filayn, in maalin walba dadka loo soo gubiyo oo la yidhaahdo shir beeleed ayay qabanayaan, oo ka odhanaaya afkiisu uu qadhaadh yahay marka uu odhanaayo maaha, waa xoolahii umadda iyo TV-gii loo so halgamay,waa kii la xoraystay, dadkani waa ay soo mareen oo waa ay ka koreen TV laga yidhaahdo gobaladii waqooyi ayaa kubad ciyaaraya,imikana waxaanu leenahay dawlada iyo dadka loo xilsaaray inay umadda u matalaan inay ka waantoobaan. Horaanu dadka ugu sheegnay oo shir beeleed ma qabanayno,ma gayno,ma rabno danta umaddana maaha, taayada maaha waligayo maanu qaban,waxii qaban jiray iyo waxii jeclaan jirayba waa la yaqaanaa .”

Gudoomiyaha qaban qaabada dooda qaran Dr.Fadal oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Dilaal iyo malaalkan baarlamaankii waxii yaraa ee la soo qaadaba la dul dhigaayo,umaddan bakhtiday ee caruurtii tahriibayso ee shaqo loo waayay,in aynu maalin walba maqalno kursi yar,guddi iyo dood baarlamaan ayaa la kala dilaalayaa umaddani ma indha la’a mana dhago la’a,waxaanu leenahay haayadahu xurmay leeyahiin ee xurmadooda ha la  ilaaliyo,waar baarlamaanku xurmuu leeyahaye halagala xishoodo in lacag aad moodo in ay geedaha ka baxdo loo dhigo.”

Xildhibaan Ibraahin Jaamac Cali (Rayte),ayaa isagu dhankiisa xukuumadda ku dhaliilay si ay warbaahinta qarankua  maamusho,waxaana hadaladiisa  ka     midahaa  “Warbaahinta qaranka cid waliba waa ay u siman tahay,waa mid lagu maamulo hantida qaranka, waxa uu ku baxaa cashuurta laga ururiyo shabiga Somaliland,in loo adeegsado ujeedo ka duwan ujeedadii loo abuuray oo ahayd in dadka lagu wacyi galiyo,in warar aan sal iyo raad toon lahayn laga baahiyo warbaahintii qaranka waa mid ceeb ah, waa fool xumo oo dadkuna sidaas aan u dareemayo ayay u dareemayaan, arimaas waa kuwa loo baahan yahay in shir laga yeesho sida ay u dhacayaan. Maanta warbaahintii qaranka waxa ku soo koradhay cay iyo af lagaado laga sii daynaayo iyo in dadkii lagu marin habaabinaayo oo waxaan jirin laga baahinaayo,waxyaabahani waa kuwa iska hor imaadka keena ee bulshada kala fogeeya, waa waxyaabaha ka mabnuuca ah nidaamka caafimaadka qaba ee dimuqraadiyada,sidan waxa u dhaqma nidaamka kali taliska ah, waanu naqaanaa oo waanu soo aragnay, oo waa uu dumay,dhaqankii halkaas ka hadhayna meeli halkan ugama banaana, waxaan leeyahay dib haloo xisbaabtamo.”