Lacagihii Laga Qaaday Shirkadaha Shidaalka Oo La Soo Jeediyay In Miisaaniyada 2014-ka Lagu Soo Daro

19
624

Picture6Hargeysa (Geeska) – Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa shalay si rasmi ah u gudagalay dooda odoroska Miisaaniyad-sanadeedka 2014-ka, taasi oo doraad guddida dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maaliyadda ee Golaha Wakiiladu ay gole-weynaha war-bixin ka siiyeen.

Fadhigii shalay ee Golaha Wakiilada Somaliland oo uu shir-guddoominayey Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Md Baashe Maxamed Faarax oo uu wehelinayey Guddoomiye ku xigeenka labaad Md Cali Yuusuf, ayaa xildhibaanada ka soo xaadiray waxay mid mid u soo bandhigeen doodooda ku aadan Miisaaniyadda 2014-ka oo ka kooban $ 212 Milyan oo doolarka Maraykanka isla-markaana 20% ka badan tii sanadkii hore, iyadda oo xildhibaanada dooda ka qayb-galay badankoodu soo jeediyeen in la ansixiyo, inkastoo xildhibaannada qaarkood soo jeediyeen in Miisaaniyadda lagu soo daro waxyaabo ay tilmaameen inay ka maqan ama aan Wasaaradda Maaliyaddu ku soo darin, sida lacagihii laga qaaday shirkadaha shidaal baadhista.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan, oo ka mid ahaa Mudanayaasha dooda ka qayb-qaatay shalay ayaa taageeray fikrad ay hore guddida dhaqaalaha Golaha wakiiladu soo soo jeediyeen oo ahayd in Miisaaniyadda wax loogu daro Jaamacadda iyo Madaarka Ceerigaabo “Waxaan soo jeedinayaa inay socota fikraddii ay soo jeediyeen guddida dhaqaalaha ee ahayd in Jaamacadda Ceerigaabo lacagta loogu daro (Miisaaniyadda), sidaa si leeg Madaarka Ceerigaabo waxaan soo jeedin lahaa in Miisaaniyadda wax loogu daro, guddida dhaqaalahana waan ku taageersanahay labadaa mowduuc ee ay soo jeediyeen” ayuu yidhi xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan, waxaanu intaa ku daray oo uu soo jeediyay in Wasaaradda Maaliyaddu ay wasaaradaha kale ku khasabto inay si gobollaysan ugu soo gudbiyaan Miisaaniyadda ay ugu talo-galeen Gobollada dalka “Waxaanu xukuumadda, gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda ka codsanaynaa inay Wasaaradaha ku khasbaan inay soo gudbinayaan Miisaaniyadda oo gobollaysan, si ay u qeexnaato Wasaarad weliba waxay ugu talo-gashay Gobollada, oo aanay mar kasta gobolladu marti uga noqon waxa Miisaaniyadda ugu jira”

Xildhibaanku waxa kale oo uu soo jeediyay “Maadaama oo Miisaaniyadda hawl badan laga soo qabtay waxaan soo jeedinayaa in la ansixiyo”ayuu yidhi Xildhibaan Cartan.

Xildhibaan Faarax Maxamuud Cabdulle (Faarax Dheere) oo ka mid ah Mudanayaasha golaha wakiilada ee doodiisa ku aadan Miisaaniyad-sanadeedka 2014-ka halkaasi ka dhiibtay ayaa si gaar ah uga hadlay shaqaalaha sanadka cusub loo qoondeeyay in Wasaaradaha iyo hay’adaha dawladdu qortaan ee mushaharaadkoodu ay ku jiraan Miisaaniyaddan, waxaanu tilmaamay in caddaalad daro weyni ka jirto hanaanka ay wasaaraduhu shaqaalaha u qortaan isla-markaana ay jiraan Wasaaraddo qortay 70 qof oo shaqaale ah, balse gobol kaliya ka qortay.

Xildhibaanka oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Annigu sida shaqaalaha (Shaqaalaha cusub ee Wasaaraduhu qaadanayaan ee Miisaaniyadda 2014-ka ku jira) loo soo xulayo inay Caddaalad daro weyni ay ku jirto ayaan qabaa, gobol walba waa in shaqaaluhu ka yimaado, sidaa awgeedna waa inuu imtixaan ku yimaado, waxaanu ognahay Wasaarado 70 iska qortay oo toddobaatankiiba gobol qudha ka qaatay, wixii caddaalad daro ah  ee masuul sameeyo innagaa xaq u leh inaynu ka joojino oo aynu nidhaahno wado khalad ah ayaad u martay, markaa runtii waxaan qabaa in wixii khaldana aynu toosino, wixii sax ahna aynu taageerno, hadday Miisaaniyadda tahay iyo haddii ay wax kale tahayba”

Xildhibaan Faarax Dheere, waxa kale oo uu sheegay “Aad iyo aad ayuu khalad ugu jiraa sida shaqaalaha loo qaato, tusaale haddii aan soo qaato waxaad arkaysaa qof afar sanadood Wasaarad ka shaqeynayey oo ku leh Mushahar ma lihi iyo mid shalay ama doraad codsigii qortay (codsiga shaqada) oo maantana galay (Mushahar loo qoray) oo wax alaale iyo wax loo eegay aanay jirin, waxaan leeyahay taa masuuliyad-baa innaga saaran, markaa waxaan soo jeedinayaa in shaqaalaha si caddaalad ah oo imtixaan ah oo gobol iyo degmo ah loo qaato” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu soo jeediyay in Miisaaniyad-sanadeedka 2014-ka ee aan wali la ansixin lagu soo daro oo ay ka muuqato lacagihii laga qaaday shirkadaha shidaalka ka baadhayey Somaliland “Waddanka waxa ka jira shidaal iyo Macdan baadhis, laakiin halkan (Miisaaniyadda 2014-ka) laguma soo darin lacagihii Wasaaradda Macdanta iyo Tamartu ay ka qaaday shidaal baadhista oo kuma jiraan (Miisaaniyadda), waxaan soo jeedinayaa in lacagtaa lagu soo daro Miisaaniyadda”

Xildhibaan Faarax Maxamuud Cabdulle (Faarax Dheere), waxa uu sheegay in aanay war u haynin cadadka lacagta laga qaaday shirkadaha shidaalka, maadaama oo aanu Golaha wakiilada aan la hor keenin heshiisyada ay Wasaaraddu la gashay shirkadahaasi “Annaguna war uma hayno inta ay tahay (Lacagta laga qaaday shirkadaha baadhista shidaalka), oo ma cadda oo wax laga war hayo maaha, mar haddii aynaan arag heshiiskii oo Golaha Wakiiladu xaqa u leeyahay, waxaana wanaagsan in xisaabtu caddaato, Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Xisaabta Cadi – Naqadka kama dhacdo”, wuxuna marka aanay caddayn tuhunno badan ayay keenayaan, markaa waxaan leeyahay waa in lagu soo daraa lacagihii laga qaaday shidaal baadhista, Wasiirka (Wasiirka Maaliyadda) markii aanu waydiinayna si cad ugamuu jawaabin oo wuxuu yidhi halka caynkaas ah ayay ku jirtaa, kumana jirto” ayuu yidhi, waxaanu intaa raaciyey “Markaa maadaama oo aynu nidhi waxyaabo badan aynu qabano waa in meel kasta oo shilin ku jiro lagu soo daraa Miisaaniyadda oo ay ka muuqataa, waxaanan soo jeedinayaa in dhaqaale kasta oo waddanka soo galay lagu soo daro Miisaaniyadda, siiba kuwaa shidaal baadhista oo aan ku caddayn”

Comments are closed.