Hargeysa: Xidhibaan Waabeeye Oo Gacan Saaray Xildhibaan Rayte

0
541

Picture5Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Maxamed Yuusuf Waabeeye, oo ka mid ah xildhibaanada xisbiga KULMIYE, sidoo kalena ah guddoomiye xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, ayaa shalay dagaal gacan ka hadal ah ku qaaday xildhibaan Ibrahim Cali Rayte, oo ka tirsan xisbiga Wadani.

Afar xildhibaan oo ay ku jireen labadan xildhibaan ayaa ka qayb galay dood uu daadihinayay weriye Cali Seenyo oo ka tirsan HCTV, laakiin markii ay doodu dhammaatay ayuu Xildhibaan Waabeeye oo cadhaysani uu gacanta u qaaday xildhibaan Rayte, waxaana sida ay dad goob joog ahi sheegeen uu xildhibaan Waabeeye isu raaciyay xildhibaanka kale feedh iyo hidh, halkaas oo markiiba lagu kala gaadhay.

Sida ay dad goob joog ahi sheegeen xildhibaan Rayte, waxa soo gaadhay dhaawac sahlan. Xildhibaan Rayte oo ah aqoonyahan bartay culuunta sharciga ayaa si adag u naqdiya qorshayaasha iyo siyaasadda xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Labada xildhibaan oo aanu isku daynay inaanu la xidhiidhno si aanu wax uga weydiino mawduucan ayaanay noo suurtogelin.