Labbis Sabab U Noqday In Turkigu Uu Si Degdeg Ah Dib Ugu Yeedho Danjirihii U Joogay Uganda

48
4278

Ankara (Geeska)- Wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa sabtidii u yeedhay safiirka Turkiga u fadhiyey dalka Uganda kaddib markii ay warbaahintu faafisay sawirro muujinaya danjiraha oo xidhan labbis la sheegay in laga soo qaatay xadaaradihii Giriiggii hore. Dajire Sudfa Yawsaalib ayaa labbiskan xidhatay mar ay xarunta safaaradda dalkeeda ee magaalada Kampala ku qabatay munaasabad ballaadhan oo loogu dabbaaldegayey xuska maalinta dhismaha jamhuuriyadda Turkiga casriga ah oo uu aasaasay Mustafe Kemal Ataturk.

Barta twitter uu ku leeyahay baarlamaanka dalka Uganda ayaa lagu faafiyey sawirro muujinaya haweenayda guddoomiyaha ka ah baarlamaanka Rabiika Kadaaga oo ka qaybgashay xafladdan, waxa se hareerteeda ka muuqanayey haweenayda danjiraha Turkiga ah ee martida loo ahaa oo uu hareer fadhiyo mas’uul isaguna Turki ah, waxa aanay ku labbisnayd maro si aad ah ugu eeg dhar hidde iyo dhaqan ah oo ay xidhaan Giriiggu.

Maalintii sabtida ee toddobaadkanna wargeyska Sosgo ee ka soo baxa dalka Turkiga oo ka faallooda arrimaha wadaniyadda ayaa boggiisa hore ku faafiyey sawirrada danjiraha, “Yawsaalib waxa ay xidhnayd labbiskii Helen” ayaa uu qoray wargeysku. (Gabadh sheekobaraleyda hore ee Giriiggu ay aaminsan tahay in ay tahay tii abid ugu quruxda badnayd ee adduunka soo marta, hadal haynteeda iyo jacaylkeedana waxaa aga soo wareiyey dhammaan boqorradii hore ee Giriigga).

Waxa kale oo uu Wargeysku sheegay in danjiraha ninka gacanyaraha u fadhiya qudhiisuna uu xidhay dharkaas, waxa aanu qoray, “Gacanyaraheeduna waxa uu xidhnaa labbiskii lagu yaqaannay Ilaahi Giriiggii hore ee Zeus ee uu gacanta ku sitay xidhmada laamaha saytuunka ah” (Zeus waxa uu ahaa mid ka mid ah ilaahyadii tirada badnaa ee ay Giriiggii hore haysteen, iyaga oo mid kasta u calaamadiyey qayb noloshooda ka mid ah in uu ka Ilaah yahay. Zeus waxa ay ku sheegi jireen Ilaaha circa, hillaaca, onkodka, sharciga, kala dambaynta iyo cadaalada).

Sawirkan iyo faallada uu wargeysku raaciyey ayaa cadho badan ku abuurtay dadka Turkiga ah ee aragtidoodu qawmiga tahay. Waxa aanay abuureen doodo ay ku sheegayaan in arrintani ay dhabar jab ku tahay muuqaalka dawladda casriga ah ee Turkiga.

Wargeysku waxa uu faalladiisa ku sheegay in Yasawlib ay muddo ku soo jirtay diblumaasiyiinta Turkiga, shanti sano ee u dambeeyeyna ay ahayd danjiraha dalkeeda u fadhiya magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Arrintan oo rayulcaama sabab ku yeelatay ayaa gaadhay in wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkigu ay soo saarto warmurtiyeed ay ku sheegayso in la bilaabay baadhiso degdeg ah oo la xidhiidha sawirkan lagu faafiyey baraha bulshada iyo warbaahinta. “Arrintaas awgeed waxaa loo yeedhay danjiraha” ayaa lagu yidhi warka wasaaradda, oo aan tafaasiil dheeraad ah la raacin.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Mawluud Tashaawish Ooglo ayaa isaguna bartiisa twitter ka ku faafiyey, “Yeedhmada danjiraha Turkiga”

Warbixinno kale oo iyagu dhinaca togan ka eegay tallaabada ay danjiruhu ku kacday ayaa sheegaya in ay gabadhani xusaysay isla markaana dadka baraysay waxa loo yaqaanno sannadka ‘Troy’ oo ah xus loo sameeyo magaalada taariikhiga ah ee Troy oo uu Giriiggii hore lahaa laakiin hadda ka mid ah dhulka dalka Turkiga. Warbixinahani waxa ay xuseen in maalintan ay dharka xidhnayd ay sida oo kale ku beegnayd labaatan guuradii ka soo wareegtay markii magaaladaas lagu daray liiska aataarta caalamiga ah ee ay diiwaangeliso hay’adda UNESCO.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here