Khatarta Isbeddelka Cimilada: Jasiirad Markii Labaad Muddo Bilo Gudaheed Ah Baddu Liqday

44
3566

Tokyo (Geeska)- Ciidamada ilaalada xeebaha ee dalka Jabbaan ayaa bilaabay ol’ole ballaadhan oo ay ku raadinayaan mid ka mid ah jasiiradihii dalka oo mar keliya la waayey. Jasiiraddan oo ku taallay xeebaha woqooyi ee dalka Jabbaan ayaa waayitaankeedu qasab ka dhigayaa in hadda kaddib wax laga beddelo khariiradda dalka Jabbaan.

Jasiiraddan o oleh muhiimad Istaraatijiyadeed ayaa ay baddu liqday kaddib markii ay biyuhu aad kor uga kaceen heerkoodii hore, arrintaas oo la aaminsan yahay in sababteedu tahay dabaylo goobahaas ku dhuftay iyo barafkii oo isbeddelka cimilada awgii dhalaalay taasina ay keenayso in heerka biyuhu kor u kaco.

Jasiiraddan oo aanay cidi degenayn waxa ay ka mid tahay 158 jasiiradood oo uu dalka Jabbaan Afar sano ka hor u diiwaangashatay, taas oo qayb ka ahayd dadaal u udalkaasi ku doonayey in la calaamiyo xuduudka u dhexeeya Jabbaan iyo dalka Ruushka oo dalka Jabbaan xad kala leh dhinaca ay jasiiradahan badankoodu ku yaallaan.

Sharcia caalamiga ah ayaa dhigaya in jasiiradaha lagu tirin karo xuduudda uu dal leeyahay, keliya marka ay jasiiraddu badda oogadeeda sare ka muuqato. Qarsoomiadda  Jasiiraddani waxa uu warwar ku hayaa dalka Jabbaan, oo maadaama ay jasiiraddii bad noqotay aan loo diiwaangelin doonin lahaanshiyaheeda, taasina ay ku keento in xuduudka badda ee dalka Jabbaan uu soo ururo.

Muddo bil gudaheed ah waa markii labaad ee khariiradda laga waayo jasiirad, waxaa tan ka horreysay jasiirad lagu magacaabi jiray East Iceland oo ku dhextaallay badweynta deggen (Pacific Ocean), kana tirsan gobalka Hawaii ee dalka Maraykanka. Arrintan ayaa dadka arrimaha cimilada u dhaqdhaqaaqa ku sii kordhinaysa warwarka ay ka qabaan khatar ka dhalankarta isbeddelka cimilada oo dunida ku keentay kulayl badan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here