Munaasibad Lagu Sagootiyay Ardaydii Sannadkan Ka Qalin Jebisay Kuuliyadda Sharciga Jaamacada Hargeysa

0
561

Hargeysa (Geeska) Ardayda kuliyada sharciga ee Jaamacada Hargeysa ayaa munaasibad sagootin ah u qabatay Ardaydii sanadka ka qalin jabiyey kuliyadaasi oo gaadhay 58  sharciyaqaan.

Munaasibadanii oo ahayd mid si weyn loo soo Agaasimay ayaa habeenkii xalay lagu qabtay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa  waxana  ka qayb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Somaliland oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Qorshaynta Qaranka Md. Sacad Cali Shire oo sidoo kale ah Gudoomiyah gudida sare ee Jaamacada Hargeysa, Wasiirka Duulista Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta Md. Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Xeer Ilaaliya Guud ee Qaranka Xasan Axmed Aadan, Gudoomiyaha Komishanka Xuquuqul Iinsaanka Qaranka Marwo Fadxiya Xaaji Xuseen Jaahuur, arday iyo Marti sharaf kale.

Munaasibadaasi ayaa waxa ka hadlay Xubno ka tirsan Ardayda Kaliyada Sharciga ee Sanadka Afaraad iyagoo sheegay inay munaasibadaasi ay uga dan laahyeen sidii ay sagootin laayeen Shargiyaqaanada qalin jabiyey.

Garyaqaan Khadar Jire oo ku hadlayey afka arday munaasibada loo qabtay ayaa si weyn ugu mahad celiyey Maamulka Kuliyada sharciga iyo macalimiintii wax soo bartay isaga oo sheegay inay ka go’an tahay inay dadlkooda hooyo ugu shaqeeyaan xirfada sharciga ee ay mududa aftarta sano ah soo baranayeen.

Agaasimaha Machadka Nabada iyo Xalinta Khilaafaadka ee Jaamacada Hargeysa Prof. Aadan Xaaji Cali Axmed oo ka mida ahaa Macalimiintii ardaydaasi wax soo bartay oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa Sharciyaqaanada cusub kula dardaaray inay ilaaliyaan anshaxa xirfada Qareenimo, tix galiyaanka Dadka xirfadaasi ugu horeeyey, isla markaan ay ka qayb qaataan sidii umaddu u heli lahayd adeeg sharci oo cadaaladda ku sugan.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Xasan Axmed Aadan ayaa isna kulanka ka sheegay in xafiiska Xeer ilaalinta guud ay ka go’an tahay shaqaalaysiinta dhalinyrada baratay xirfada sharciga, isla markaana ay mudnaan gaara siiynayaan gabdhaha.

Prof. Maxamuud Xuseen Faarax oo ah Hormoodka Kuliyada sharciga ayaa isgana ardaydaasi ay wax soo bareen si weyn ugula dardaramay inay ka weeleeyaan aqoontii ay mudada badan soo baranayeen, waxana uu sheegay inay isagaoo ah Gudoomiyaha Gudida anshax marinta iyo Ruqsad siinta Qareenadu uu si ramsiya shaqo u siin doono labadii arday ee ugu samaayey sharciyqaanadaasi.

Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeyna Cabdirasaaq Khaliif Axmed ayaa isaguna sheegay inay Xukuumadda Somaliland ay tixgalin gaar ah siinayso sharci yaqaanakda, iyo mihnada sharciga si ay u sugnaato ku dhaqanka sharcigu, sanadihii ugu dambeeyeyna Miisaaniyada qaranku ay mudnaadaas siisay xirfadyaqaanada sharciga.

 Wasiirka Qorshaynta Md. Sacad Cali Shire sidoo kale ah Gudoomiyaha dudida sare ee Jaamacada Hargeysa ayaa isaguna sheegay in xubanahaasi Garyaqaankada ah hada wixii ka dambeeya ay fuulayso Masuuliyad dheeraad ah oo ka saaran Xirfada ay ku biireen iyo ilaalinta sharciga, waxa uu sheegay in barashada sharciga iyo in la helo sharciyaqaano ay daruuri I tahay horumarka wadanka ee dhinaca kala damaybta iyo ku dhaqanka sharciga.

Ugu dambayntiina waxa halkaasi shadaado sharafeedyo ay ardaydaasi ku maamuuseen xubno ka mida macalimiintii wax soo baray, oo kala ahaa, Hormoodka Kaliyada Sharciga Prof. Maxamuud Xuseen Faarax, Ku xigeenka Hormoodka Kuliyada Cabdirkariim Sh Maxamed Xasan, Sheekh Cali Cabdi Guuleed, Prof. Aadan Xaji Cali Axmed, Prof. Maxmed Abokar Maxamed, Cabdisamad Cumar Maal, Maxamed Diiriye Faarax.