Laba Xildhibaan Oo Si Adag U Naqdiyay Qoraal Uu Wasiirka Cadaaladu Maxkamadaha Ku Faray Inaanay Qareenimo Ku Shaqaysan Karin

13
966

Picture9Hargeysa(Geeska)-Laba xildhibaan oo uu wasiirka cadaaladda Xuseen Axmed Caydiid ka soo saaray warqad lagaga joojinaayo mihnada qareenimo  oo ay ku shaqaystaan, ayaa arintaas ku tilmaamay mid qayrul sharci ah, uguna baaqay wasiirka inuu dib u akhriyo sharciga. Labada xildhibaan ayaa kala ah Xildhibaan Maxamed Jaamac Cabdi iyo xildhibaan Maxamed Saalax Cige oo ka tirsan golaha wakiilada.

Sida oo kale waxa sheegeen xildhibaanadani in aanu wasiirka cadaaladu wax awood ah u lahayn inuu si toos ah qareenada ula xidhiidho, waxaanay sheegeen in guddida qareenadu ay leeyahiin awooda lagaga joojinayo qareenadda shaqadooda iyo ruqsad siin toodaba.

Wasiirka cadaaladda Xuseen Axmed Caydiid, ayaa warqad uu ku socodsiiyay guddoomiyayaasha maxkamadaha rafcaanka ee dalka, wuxuu ku sheegay in laga joojiyo inay labadaas xildhibaan ku shaqaystaan mihnadda qareenimo, isagoo cuskaday xeerka qareenada, waxaanu maxkamadaha ku wargeliyay inay xaqiijiyaan inaanay labadaas xildhibaan qareen ahaan kaga hawlgelin maxkamadaha dalka. Hase yeeshe labada xildhbaan ayaa wasiirka ugu baaqay inuu sharciga dib ugu noqdo.

Xildhibaan Maxamed Saalax Cige oo uu Wargeyska Geeska Afrika, wax ka weydiiyay arrinkan ayaa yidhi “Warqadaas anaga nalama soo gaadhsiin, nagumana socoto,wasiirku waxa uu toos ula hadlay uun maxkamaddaha, taas oo ah mid qayrul sharci ah oo aan meelna sharciga kaga dhignayan,xeerkanu waxa uu abuuray guddida anshaxmarinta ee ururka qareenadda, ninka qareenka ahna iyaga ayaa cadaynaaya inuu shuruudii qareenimada buuxiyay iyo in kale, wasiirku warqadan uu soo saaray gabi ahaanteedba waa sharci daro,mana laha awood uu anaga wax nagaga joojiyo, ee gudida anshax marinta ee qareemanadda ayaa awoodaas leh isaguna taas ayuu ogalaanayaa,isaguna amar uu maxkamaddii ku yidhaahdo waxaan idin farayaa inaad qareenimadii labadaas xilidhibaan ka joojisaan meel ay ku taalaa ma jirto.”

Sida oo kale xildhibaan Maxamed Jaamac Cabdi ayaa Geeska Afrika, uga waramay aragtidiisa waxaanu yidhi,  “Wasiirka iyo qareenada wax xidhiidh ah oo toos ah oo ay leeyahiin ma jiro, wasiirku hadduu xeerka dabaqaayo isagu qareenada ruqsad ma siiyo kamana qaado, guddida ruqsadaha iyo anshaxmarinta qareenada ayaa jira, waxii ay iyagu u soo gudbiyaan ayuun buu ogalaadaa wasiirkuna, wax go’aan ahna kuma laha arimaha oo xeerkuba ma siin, wax go’aan ah oo gudida ka soo baxayna ma jirto, warqadiisuna waa sharci daro aan ka jawaabayn sharciga, waxaanu leenahay bal isagu sharciga dib haw akhriyo.”

 

Comments are closed.