Guddoomiyihii Hore Ee SONYO Oo Tacsi U Diray Xubin Magac Ku Lahaa Daladda Oo Geeriyooday

1
1396

Picture1Anigoo ku hadlaaya magacayga waxaan halkan dhambaal tacsiya uga dirayaa Marxuum C/raxman cumar murase oo daraad xanuun ku soo booda ah ugeeriyoodey.  Geeridu waa xaq, waana sune qof kasta oo dunida korkeeda ku uumani uu dhadhamin doono. Marxuumku wuxuu ka mid ahaa xubnihii uGu firfircoonaa ee soo mara golayaasha sare ee SONYO tan iyo maalintii la aasaasay ee 2003dii,  taas oo aqoontiisii iyo waayo aragnimadiisiiba uu  si hufan ugaliyay horumarka dhallinyaradda. Marxuumka oo aanu muddo laba sanadood ah kawada shaqaynaynay hawlaha dhallinyaradda Somaliland, waxaan ku aqaanay dedaal badni, daacadnimo iyo cibaado badni intaba. Waxa intaas udheerayd odeytinimo uu EBBE haybad usiiyay taas oo uu had iyo jeer utaagnaan jirey waanaaga iyo horumarka dhallinyaradda. wuxuu ahaa odeygii golihii shanaad ee SONYO qaybna ka haa guulihii lamahadiyay ee uu goluhu gaadhay mudadii labada sanadood ahayd ee uu xilka hayay.
Marxuum A/raxmaan Murase wuxuu ahaa hal door shaqsiyadiisoo kale ay yartahay in la helo, waxanan odhan karaa wuxuu uu ahaa hal-door ka baxay dhallinyaradda Somaliland oo laga dareemi doono saaxadda dhallinyaradda. Runtii Cabdirahmaan kumuu koobnayn hawlaha dhallinyaradda ee wuxuu barre sare ka ahaa jaamacadda Timacadde ee gobolka Gabiley halkaas oo midhihii uu beeray ee uu wakhtigiisii iyo aqoontiisiiba  galiyay ay nasiib wanaag bishan ka qallinjabiyeen  bixiyay taas oo noqon doonta talaabo lagu xasuusan doono  Waxaan ILLAHAY uga baryayaa in uu naxariistii janno ka waraabiyo janatu fardawsana geeyo marxuum cabdirahmaan.

Ugu danabyn, waxaan si guud uga tacsiyadaynayaa dhamaan dhallinyaradda Somaliland gaar ahaana qoyskii iyo qaraabadisii uu ka baxay waxanan leeyahay Illahay Samir iyo IImaan haynaga siiyo.

Axmed Cabdi Wacays
Gudoomiyihii hore ee Dallada dhallinayradd EE SONYO

 

Comments are closed.