Ciil-mooge Iyo Weftigiisii Loo Diiday Madaarka Hargeysa Oo Shalay Ka Dhoofay Muqdisho

6
1131

Picture8Muqdisho (Geeska) – Wasiirka Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Cabdilaahi Ciil-mooge Xirsi iyo wefti uu hogaaminayo ay shalay socdaal ku tagay Magaalada Jigjiga ee xarunta Ismaamulka Soomaalida Itoobiya , halkaasi oo ay ka furmayso xuska Maalinta qoomiyadaha Itoobiya. Wasiir Cabdilaahi Ciil-mooge Xirsi oo ay weheliyaan qaar ka mid ah Madax-dhaqameed uu Madaxwaynaha dawlad deegaanka Soomaalidu Itoobiya ku casuumay xuska Maalinta qoomiyadaha Itoobiya, ayaa shalay Jimcihii diyaarad ka raacay Madaarka diyaaradaha ee Aaden Cadde ee Magaalada Muqdisho, waxayna toos u tageen Magaalada Jigjiga, ka dib markii dawladda Somaliland diiday in isaga iyo wefti ka socday safaaradda Itoobiya ku leedahay Muqdisho ay ka soo degaan Madaarka diyaaradaha ee Hargeysa, si ay dhanka Somaliland uga galaan Magaalada Jigjiga ee xarunta Ismaamulka Soomaalida Itoobiya. Wasiirka warfaafinta iyo hawlaha guud ee Soomaaliya, Cabdilaahi Ciil-mooge, ayaa markii uu ka dhoofayey Muqdisho la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in weftigiisa ay xubno ka yihiin Wasirro badan “Munaasabadda aan u socono waxa ay ka dambeysay casuumaad aan ka helnay Ismaamulka Soomaalida ee dowladda Deegaanka Ethiopia, anaguna waan aqbalnay casuumaadasi, anagoo ka kooban Wasiirro”ayuu yidhi, inkasta oo aanu soo hadal qaadin go’aanka Somaliland ugu diiday inuu ka doo dego Madaarka diyaaradaha ee Hargeysa. Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Mr Ciil-mooge ayaa ka mid ah masuuliyiinta dawladda Federaalka Soomaaliya ee sida adag uga soo horjeeda qadiyada Madax-banaanida Somalilan, waxaana diidmada Somaliland ku soo beegmaysaa xili aan xal laga gaadhin khilaafka dhanka hawada. Dhanka kale, Sarkaal ka tirsan Maamulka Madaarka diyaaradaha ee Hargeysa, ayaa sheegay in jimcihii shalay ay madaarka ka soo deggeen wefti ka socda safaaradda Itoobiya ku leedahay Muqdisho, kuwaasi oo ka qayb-galaya xuska Maalinta qoomiyadaha Itoobiya, oo lagu qabanayo Magaalada Jigjiga.

Comments are closed.