Laba Carruur Ah Oo Markii Ay Dhalanayeen Dhaawac Maskaxda Ahi Gaadhay Ayaa Lacag Magdhow Ah La Siiyey

0
599

ilQatar (Geeska)- Maxkamadda Racfaanka ee dalka Qatar ayaa taageertay go’aan ay maxkamadda darajada koowaad ee dalkaasi ku gaadhay in magdhow lacageed oo Hal Milyan oo Riyaal ah la siiyo laba carruur ah oo dhaawac weyn oo maskaxda ah iyo indho la’aani ku dhacday, kadib markii qalad farsamo uu dhacay xilligii hooyadood qalniin lagaga umulinayey.

Sidoo kale waxaa madhow la siiyey carruurta hooyadood, iyada oo cisbitaalkana lagu xukumay in uu biixiyo kharashkii dacwadda. War uu Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska A-Sharq ee ka soo baxa dalka Qatar ayaa intaas ku daraya in hooyadani ay xilligii foosha cisbitaalka timid iyada oo ka cabanaysa dhiig furan badan oo maalin dambe ay cisbitaalka u sii taallay, kadibna qasab ay noqotay in lagu sameeyo qalniin mataanahana ay uurka ku siddo lagu soo badbaadiyo. Laakiin waxaa caddaatay in xilligii qalniinku socday uu qalad ka dhacay dhakhaatiirta iyo daryeel xumo cisbitaalka ka timid awgeeduu uu dhiiggu maalinta dambe u sii socday, qalniinka kadibna uu dhaawac soo gaadhay labada carruur ah oo midkood ay ku dhacday in korniinkiisu uu gaabis noqdo, maskaxdana dhinac shaqayn waayo, isla markaana neefsigu ku adag yahay, halka ilmaha labaadna gaabiska korniinka ay u dheer tahay dhaawac dhinaca neerfayaasha ahi, isla markaana uu marka horeba la soo dhacay dalool wadnaha kaga yaalla iyo maskaxda oo aanay qaybi shaqaynayn.

Guddi dhakhaatiir ah oo ay maxkamaddu xaaladdan u saartay ayaa sheegay in carruurtani ay lix bilood ahaayeen markii uurka hooyadood laga soo saaray, hooyadoodna tan iyo bilowgii uurkooda dhiig ka socday, taasna ay keentay in xaaladaha ay qabaan qaarkood ahaayeen kuwo xilligii uurka helay, laakiin ay caddahay in markii ay dhasheen ay waayeen daryeel caafimaad oo keenay in ogsajiinta oo ku yaraatay awgeed maskaxdu u dhaawacanto.

Warbixinta caafimaad ee ay guddida dhakhaatiirtu xaaladda mataanahan ka soo saartay oo Geeska Afrika turjumay ayaa lagu sheegay in caadi ahaanba carruurta dhalata iyada oo sidkoodu 32 toddobaad ka yar yahay, sida xaaladda carruurtan ay u dhowdahay in neerfayaasha maskaxdu burburaan oo si sax ah ay u shaqayn weydo, ogasiintuna ku yaraato, isla markaana maskaxdoodu aanay dhamays noqon.

Maxkamadda oo tixgelinaysa xaaladaha caafimaad ee marka horeba ku xeernaa labada carruur ah iyo in dhaawacyada ay qabaan qaarkood ahaayeen kuwo laga filan karo oo aanu dhakhtarku sabab u noqon Karin, balse haddana qiraysa in gaabiska cisbitaalka iyo qalad ka dhacay dhakhaatiirtu dhibta sii badiyey, xaalado cusubna abuuray waxa ay go’aamisay in lacagtan oo u dhiganta Hal Milyan oo doolar la siiyo, carruurta hadda waxa ay hooyadood u qaadday dalalka Yurub oo ay uga raadinayso daweyn ku habboon.