Wasaaradda Duulistu Ha Joojiso Tobanka Dollar Ee Laga Qaado Shaqaalaha Bil Kasta!!

0
472

Waxa jirta lacag muddo laga qaadayay shaqaalaha wasaaradda duulista iyo kuwa kale ee u shaqeeya hay’adaha, taas oo dhan $ 10 (toban dollar). Bil kasta marka ay dhammaato ayaa shaqaalaha kala duwan intooda badan laga qaadaa lacagtaas, qofkii aan bixina waxa laga xidhaa albaabka oo shaqada ma soo gelayo, taas oo macnaheedu yahay in lacagtaasi tahay mid ay qasab tahay inuu qofku bixiyo.

cigaal

Lacagtaasi maaha mid uu Baarlamaanku ansixiyay, waxaana la leeyahay waxa lacagtaas lagu daboolaa baahiyaadka kale ee ku soo kordha wasaaradda duulista iyo hawada, laakiin bal ka waran lacag aanu baarlamaan xalaalayn oo aanay shaqaaluhuna raali ka ahayn oo qasab lagaga qaado. Masuuliyiinta wasaaradda duulista iyo hawada waxaan u soo jeedinayaa inay joojiyaan lacagtaas oo ay gebi ahaanba meesha ka saarin qaadisteeda.

Wax kasta oo la qaado oo aan sharci ahayni waa sharci darro, waayo waa la ogaa sidii uu Baarlamaankeenu wakhtiga u siiyay lacagtii lagu sheegay in baahiyaha madaarada lagu daboolayo ee laga qaado dadka soo dhoofaya iyo kuwa soo degaya, waxaanay lacagtaasi sharci noqotay markii uu Baarlamaanku ansixiyay oo keliya.

Sidaas daraadeed waxa wasaaradda la gudboon inay lacagtaas joojiso, baarlamaankana waxa waajib ku ah inuu xogo dheeraad ah ka raadiyo lacagtaas cidda soo dejisay iyo weliba waxyaabaha lagu qabtay.

Axmed Jaamac Xuseen