Kuuriyada Woqooyi Ayaa Muwaadiniinteeda Ka Mamnuucday Safarka Dibadda, Cabbitaanka Coca-cola Xidhiidhka Shisheeyaha Iyo Noocyo Timo Jarista Ka Mid Ah

0
946

Pyongyang (Geeska)- Dawladda Kuuriyada Woqooyi waxa ay caan ku tahay in ay muwaadiniinteeda ku soo rogto amarro iyo xakameyaal mararka qaarkood la yaab ku noqda dadka adduunka kale. Waxaa ka mid ah in dawladdu ay marar kala duwan farageliso ama iyadu go’aamiso labbiska iyo qaab labbiska muwaadinka, iyo arrimo la xidhiidha hab nololeedkiisa maalinlaha ah. Arrimahaas ayaana sababa in mar kasta warbaahinta adduunku hadal hayso habdhaqannada dawladdaas.

Qormadan oo ah qaybtii labaad waxa aynu ku eegaynaa qaar ka mid ah xeerarka xakamaynaya hab nololeedka bulshada ee dalkaas ka jira:

Biyaha kulul

Muwaadiniinta Kuuriyada Woqooyi waxaa ka mamnuuc ah in ay gurayaha ku isticmaalaan biyaha kulul iyo qalabka guryaha dugsiga ka dhigay xilliyada qaboobaha. Taas beddelkeeda waxa ay dawladdu waajib kaga dhigtay muwaadiniintu in ay tagaan xamaamka uumiga ah oo ay dawladdu iyaga oo aad u tiro badan meelo la isugu yimaaddo ka dhistay.

Kookakoolaha (Coca-Cola)

Dalka Kuuriyada woqooyi waa dalka keliya adduunka oo dhan ee uu mamnuuca ka yahay iibka cabitaannada Kokakoola io cabbitaankoodu.

Waxaa soo labayn jiray dalka Kuuba oo sharaabkan cabbitaankiisa iyo ka ganacsigiisaba xukuumaddu mamnuucday, laakiin sannadkii 2015 ka ayaa uu dalka Kuuba xayiraaddaas ka qaaday cabbitaanka Kokakoola.

Safarka dibadda

Muwaadiniinta Kuuriyada woqooyi waxaa ka mamnuuc ah in ay u safraan dalalka dibadda, marka lagareebo dad kooban oo sababo ay dawladdu ku qanacday loo siiyo ogolaanshiyaha u bixista dalka dibaddiisa. Dalalka kooban ee ay fududahay in dawladda Kuuriyada woqooyi muwaadiniinteeda fasaxa bixitaanka u siisaa waa; Ruushka iyo Shiinaha, laakiin waa marka ay ku qanacdo in safarkaasi uu yahay shaqo ama xaalado gaar u ah qofka oo uu dawladda caddayntooda u sheegayo.

Safarka dibadda oo keliya ma’aha, balse waxa kale oo muwaadiniinta Kuuriyada woqooyi ka mamnuuc ah in ay si xorriyad ah dalka gudihiisa hadba meel ugu socdaalaan. Qofka doonaya in uu safar kaga baxo magaaladiisa oo uu tago magaalo kale, xitaa haddii uu qoyskiisu deggen yahay, waxaa waajib ku ah in uu warqad fasax ah ka helo maamulka degmada ama magaalada uu ka baxayo.

Timo jarista ama feedhista

Xeerarka yaabka leh ee ka jira dalka Kuuriyada woqooyi waxaa ka mid ah kuwo xakamaynaya qaabka ay tahay in uu muwaadinka dalkaasi u xiirto ama xitaa u feedho rag iyo duamr mid kasta oo uu yahay. Lama ogola xiirasho iyo feedhasho u eeg noocyada dunida aadka looga isticmaalo, gaar ahaan kuwa reer galbeedka. Dawladda ayaa soo saarta sawirrada saambalka u noqonaya nooca xiirasho ee la ogolyahay, kaddibna waxaa loo qaybiyaa meheradaha timaha jara. Qaababkaas ayuun baanay meheraddu tustaa macmiilka ay u xiirayso, si uu mid uga doorto.

Inta badan dumarka waxaa loo ogolyahay in timahooda ay u xiraan qaab ay timuhu dhinacyada ka kala dhacayaan illaa dhegta. Ragga gaar ahaan dhalinyarada waxaa aad loogu dhiirrigeliyaa in ay u xiirtaan qaabka uu u xiirto hoggaamiyaha dalkaas Kim Jung-Un.

La xidhiidhka shisheeyaha

Dawladda Kuuriyada Woqooyi waxa ay muwaadiniinteeda ka mamnuucday in ay wax xidhiidh ah la yeeshaa dadka shisheeyaha ah oo ay ku jiraan kuwa dalkooda dalxiiska u yimaadda. Muwaadinka la ogaaday in uu la xidhiidhay, ama isbarasho iyo sheeko dhex martay ruux shisheeye ah, waxaa si dhaqso ah baadhitaan ugu sameeya laamaha ammaanka, oo hubinaya nooca xidhiidh ee dhex maray iyo sababta ku kalliftay, marar badanna waxa uu qofkaasi mutaystaa nooc uun ciqaab ah.

Sababtaas ayaa keentay in muwaadiniinta qaar ay orod miciinsadaan marka qof dalxiise ah oo dalka yimi uu isku dayo in uu la sheekaysto ama sawir la galo. Sida oo kale dadka dadka dalxiiseyaasha ah waxaa lagu sameeyaa baadhis adag, oo lagu hubinayo in aanay sawir ka qaadin meel aanay dawladdu ogolayn, gaar ahaan meelaha in uun laga dareemi karo fool xumida, si aanay u beenoobin quruxda ay dawladdu tusto dunida.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here