“Madaxweyne Kasta Oo Yimaada Wuu Iska Tagayaa Ee Qaranimada Yaan Laga Tagin”

0
645

Xildhibaan Nacnac

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaanj Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay Bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay qaranimadooda ilaashadan, waxaan si gaar ah talo ugu soo jeediyey  Salaadiintii dhex-dhexaadinta waday, waxaanu ugu baaqay inay dulqaad muujiyaan.

Xildhibaanj Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay sidan “Dadka Somaliland  midnimo ayaan ugu baaqayaa, Madaxweyne kasta oo yimaada uu iska tagayaa,qaranimada yaan laga tagin, qaran baynu nahay ee yaan dalka la kala go’ayn, oo qabiil qabiil loo kala go’ayn,  waxaana leeyahay Madaxweynuhu  raaligelin ka bixiyo wuxuu ku hadlay Taliyaha Ciidanka Qaranku, mar haddii uu ka bixin waayey raaligelina, ama uu ka hadli waayeyna waxay dhigan tahay inuu isagu amray,Salaadiinta meel ka dhaca lagu sameeyey, waxaan leeyahay qaranimada ha la ogaada, wax kastoo la idinku sameeyana dulqaad u yeesha, ta kale Gobol, Deegaan iyo Dad aynu ka maarmaynaa ma jiraan, wax caqliga galayana maaha, waxaas oo kalena yaan lagu hadlin”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here