Kun Iyo Kow Khatin: Tuule Ku Yaalla Turkiga Oo Caado U Leh In Sannad Kasta Mar Qur’aanka La Khatimo

0
808

Deegaanka magaalada Erzurum (Erdurum) oo ku taalla woqooyiga bari ee dalka Turkiga waxaa ka jirta caado afka Turkiga lagu yidhaahdo ‘Bin Bir Hatim’ oo ah in sannad kasta bil ka mid ah magaalada la quraan saaro. Caadadan macnaha magaceedu noqonayo ‘Kun khatin iyo khatin’ oo muddo 500 oo sano ah ka soo jirtay magaalada ayaa ah in kun Qur’aanka kariimka ah lagu dhammeeyo guryaha, masaajidda iyo xitaa jidadka magaalada.

Rag Qur’aanka Kariimka ah dusha ka xafidsan ayaa iyaga oo fardo saaran isu soo baxaya, waxa aanay akhrinayaan Qur’aanka Kariimka ah, halka dadka aan Qur’aanka xafidsanayna iyaga oo kitaabka ka akhriyaya ay Qur’aanka Kariimka ah ku khatimayaan masaajidka taariikhi ah ee ‘Ulu’ oo la dhisay qarnigii Laba iyo tobnaad ee taariikhda Miilaadiga, bedka uu ku fadhiyaana dhan yahay 2’216 mitir oo labajibbaaran.

Sida ay dadka deegaanka ahi aaminsan yihiin mar shan qarni ka hor ahayd oo uu dhulgariir weyni ka dhacay magaaladan ayaa Caalim diineed lagu magacaabi jiray Biir Cali Baaba, uu bilaabay caadadan. Sheekhan ayaa Qur’aanka Kariimka ah akhriyi jiray isaga oo faras dushii saaran oo magaalada ku wareegaya, waxa aanu ku ducayn jiray in Alle magaalada ka ilaaliyo masiibooyinka dabiiciga ah, cudurrada iyo dagaalada. Sheekh Cali Biir waxa uu rajayn jiray in, “Haddii sannad kasta kun jeer Qur’aanka lagu khatimo magaalada, uu Alle (SWT) deegaanka ilaalin doono masiibooyinka, gaara ahaan dhulgaiirka uu ka fogeyn doono.

Xilligii ay caadadani bilaabanaysay waxaa magaalada Erzurum guddoomiye u ahaa Sayfuddiin Casiis Ooglo, oo go’aamiyey in caadadan laga dhigo mid joogto ah, taas oo sababtay in ay si xooggan u jirto tan iyo markii ay bilaabatay oo ahady horraantii 1900.

Caadadan oo mar yara hakatay xilligii dagaalkii koowaad ee adduunka, ayaa mar kale dagaalka kaddib dib loo bilaabay kaddib markii uu sidaas dalbaday Muftigii Erzurum ‘Maxamed Saadiq, oo fasax uga soo helay hoggaamiyihii Calmaaniga ahaa ee dalka Turkey Mustafe Kamaal Ataturk, illaaa maantana sidii ayaa ay weli u jirtaa.

Inkasta oo ay Erzurum tahay magaalo qabowgeedy aad u daranyahay, baraf badanina daato haddana dadka magaaladani ma ay joonin caadadan oo sannad kasta la isugu yimaaddo Qur’aan akhriska iyo in ay kun jeer soddonka Jis ee Qur’aanka ku dhammeeyaan magaaladooda, Rabbina ka baryaan in uu masiibooyinka baalmariyo.

alaadda subax kaddib maalinta ay bisha Diisambar 13 tahay, ayaa la isugu soo baxaa Qur’aan iyo duco soconaya muddo bil ah oo ku eeg 17 ka bisha Jeenaweri ee sannadka cusub.

“Waxaa berigaas dhacay dhulgariir, kaddibna uu fiday xanuun khatar ahaa. Sheekh Cali ayaa dadka faray in ay Qur’aanka Kariimka ah kun jeer khatimaan, si fadligiisa awgeed ay Alle uga baryaan in uu dhulka iyo dadkaba u ilaaliyo” Sidaas waxaa yidhi Muftiga degmada Erzurum Sheekh Xasan Xuseen Sawlaa.

Dhinaca kalana guddoomiyaha degmada Erdurum mudane Aowkaay Miimis ayaa sheegay in Sheekh Biir Cali Baaba, oo ka mid ahaa culimadii ugu waaweynayd deegaanka gacanna ka haystay faafinta diinta Islaamka ee gobalku uu jideeyey caadadan, isla markaana uu aaminsan yahay muhiimadda ay leedahay sii wadisteedu. “Waxa aanu aaminsannahay in sii wadista caadadan Qur’aan akhriska ah iyo ducadan oo la bilaabay sannadkii 1500, ujeedadoodu ay tahay in Alle la weydiisto in uu masiibooyinka iyo cudurrada ka duwo magaalada” ayaa hadalladiisa ka mid ahaa.