Suldaan Aadan Faarax Oo Ka Hadlay Dib U Furista Xuduudka U Dhexeeya Dalalka Somaliland Iyo Jabuuti

0
601

Hargeysa (Geeska) – Suldaan Aadan Faarax Cumar  oo ka mid ah Madax-dhaqameedka  Somaliland, ayaa ka hadlay aragtidiisa ku waajahan xadka u dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti ee dib loo furay, waxaanu xusay in dad badan oo u xayiraad iyo culays kala kulmi jiray safarkooda inay faa’iido u tahay.

Suldaan Aadan Faarax Cumar oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay socdaalka dhulka ah ee uu Madaxweyne Muuse Biixi  kaga yimid Jabuuti, kuna yimid dalka, waxaanu ugu horeyn yidhi  “Xadka muddada xidhnaa culays iyo xayiraad bay Shacabka labada dal ee Jabuuti iyo Somaliland  kala kulmi jireen, laakiin mar haddii la furay dadka faa’iido ayay u tahay, culayskaas iyo xayiraaddaas saarnaydna way ka nafisayaan, Madaxweynaha Qaranka Somaliland Muddane Muuse Biixi oo arintan aad iyo aad uga shaqeeyeyna aad baan ugu mahadnaqayaa, ta kale Madaxweynaha Jabuuti isna laftiisa aad baan ugu mahadnaqayaa, sidoo kale Madaxweynaha waxaan  ku bogaadinayaa socdaalka dhulka ah ee uu kaga yimid Jabuuti, kuna soo marayo Xeebta, si uu ugu kuurgalo xaaladda ay ku sugan yihiin Shacabkiisu”.

Suldaan Aadan mar uu ka hadlayey socdaallada kala duwan ee uu Madaxweynuhu ku tagay waddamada qaar ayuu yidhi “Madaxweynuhu tan iyo markii uu talada dalka la wareegay dhawr dal buu ku tagay safar, waxaana ka mid ah Jabuuti oo uu dhawr jeer tagay, Itoobiya, Imaaraadka Carabta, Gini iyo Kenya, dhammaan safaradan uu Madaxweynuhu ku tagay dalalkan, waxay inoo ahaayeen safaro qiimo badan oo dalkeena sharaf u soo hooyey, himiladeenuna waa inaynu aqoonsi helno, insha allaahna aqoonsigana weynu heli doonaa”.

Dhinaca kale, Suldaan Aadan ayaa guud ahaan shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan ku guubaabiyey inay qaranimadooda ilaashadan, kana digtoonadaan wax kasta oo nabadgalyadooda khatar ku ah.

 

Geeska.net/Hargeisa Office