China: Kacaankii 50 Ka Milyan Ee Qof U Dhinteen Ka Midho Dhalintiisa, Iyo Qisadii Laydhka Cas Ee Gaadiidka Kala Haga

0
212

Intii aanu dhulka Shiinuhu u qaybsamin jamhuuriyadda dadka ee China iyo jamhuuriyadda China ee Taiwan loo yaqaanno waxaa ka dhacay dagaal sokeeye oo aad u qadhaadh, kaas oo socday intii u dhexeysay 1912 kii illaa 1949 kii.

Dagaalkani waxa uu u dhexeeyey xisbiga ‘Kuomintang iyo xisbiga jamhuuriga ah ee China, oo xisbiga hore ee Kuomintang ee magaciisa loo soo gaabiyo KMT uu hoggaaminayey xukuumaddii jamhuuriyadda China, halka xisbiga kale ee Communist Part of China oo magaciisa loo soo gaabiho CPC uu markaas ahaa mucaarad hubaysan oo hantiwadaag ah.

Dagaalkan sokeeye oo taariikhdu u taqaanno Kacaankii hantiwadaagga China, muddadaas uu socday wejiyo badan ayaa uu soo maray, xidhiidhna ma’ uu ahayn muddadii uu socday, laakiin ugu dambayntii waxaa ku guulaystay xisbiga hantiwadaagga ahaa ee CPC.

Markii uu xisbiga Shuuciga ahaa ee CPC uu gacanta ku dhigay dhul weynaha Shiinaha waxa uu sannadkii 1949 kii aasaasay dal cusub oo uu u bixiyey Jamhuuriyadda dadka ee China, oo ah dalka illaa hadda jira, waxaana halkaas ku soo afmeermay dawladdii dhulkaas ka jiri jirtay intii u dhexeysay 1912 kii illaa 1949 kii oo lagu magacaabi jiray Jamhuuriyadda China. Xisbigii laga awood roonaaday ee ka talinayey jamhuuriyadda China waxa uu isku urursaday jasiiradda Taiwan oo uu cududdiisa oo dhan isugu geeyey kuna guulaystay in uu ka hor istaago kacaankii shuuciga ahaa ee guulaystay. Maalintaas laga soo bilaabo illaa maantana inkasta oo xisbigii laga itaal roonaaday lagala wareegay xukunkii, Jasiiradda Taiwan waxa ay raadinaysaa in adduunku u aqoonsado jamhuuriyad madaxbannaan, halka dhulweynihii China oo uu xisbigii guulaystay weli hoggaamiyaana uu ku doodayo in Taiwan ay tahay dhul uu leeyahay.

Markii xisbiga Hantiwadaagga ahaa uu sannadkii 1949 kii gaadhay guushii milateri ee uu kula wareegay dhulweynaha Shiinaha, ciidamadii xisbiga ‘Kuomintang’ ee laga guulaystayna ay u firdhadeen jasiiradda Taiwan ayaa hoggaamiyihii watay kacaanka hantiwadaagga ee guulaystay oo ahaa Mao Zedong waxa uu horraantii bishii Oktoobar ee sannadkaas ku dhawaaqay dhismaha dawlad China oo loo bixiyey, jamhuuriyadda Dadka ee China, waxa aanu ballanqaaday in dalkaasi oo galay xilli cusub oo ka quruxbadan xilliyadii madoobaa ee dhiigga badani daatay.

Geeddi socodkii dhismaha dawladnimo ee jamhuuriyadda cusubi waxa uu la kowsaday dhimashada muwaadiniin China ah oo tiradoodu ka badnayd 50 milyan oo ruux, dadkaas oo isugu jiray kuwo u dhintay macaluul ba’an oo dalka ku habsatay iyo kuwo ay xukuumaddii cusbayd si toos ah u dishay ama ku dhintay dhibaatada ka dhalatay shaqo qasab ahayd oo ay dawladdu ku soo rogtay shaqaalaha.

Muddo rubuc qarni ah oo uu Moa hoggaaminayey dalka China waxa uu caan ku noqday go’aamo iyo amarro aan caadi ahayn, oo dareenka dunida o dhan yaxyax iyo u qaadan waa ku ridday. Waxaa ka mid ahaa dadweynaha Shiinaha oo uu ku waajibiyey in ay midhaha geedka Maangaha (Cambe Lafka) u aqoonsadaan in uu yahay geed barakaysan.

Dhinaca kalana Moa waxa uu ka shaqeeyey kor u qaadista nolosha dabaqadda hoose oo beeraleyda ahayd, waxa aanu dagaal ku qaaday sarraynta kooxihii maalqabeenka ahaa ee loo yaqaannay Burjuwaasiyiinta oo maaliyadda iyo hantida oo dhami gacanta ugu jireen, gaar ahaan dhulka.

Sannadkii 1959 kii Mow waxa uu soo saaray amar lagu dabartirayo gebi ahaanba xayawaannada duurjoogta ah oo dalkaas ku badnaa, waxaa ka mid ahaa shabeelka iyo yeyda. Go’aankan ayaa yimi kaddib markii beeraleydii dalkaas oo sida oo kalana xoolo dhaqato ahayd ay ka soo cabatay duurjoog weerarro khasaare geystay ku so oqaadday xoolahooda. Ololaha uu Moa ku dabarjarayey xayawaannadan oo uu u bixiyey dabargoynta aafooyinka khatarta ku ah mustaqbalka Shiinaha, waxa uu muddo shan sano ah gudahood ku dilay qiyaas ah boqolkiiba 75 nooc ka mid ah shabeelka oo dalkaas ku noolaa.

Moa muddadii uu xukunka hayey waxa uu olole adag ku qaaday wax kasta oo uu u aqoonsado in uu cadow ku yahay ama xumaynayo kacaanka uu hoggaaminayey ee China. Moa midabka casaanka ayaa uu u qaatay midabka kacaanka Shiinaha waxa aanu soo saaray buug uu u bixiyey ‘Kitaabka Cas’ oo uu ku faahfaahinayo aragtida hantiwadaagga ee uu dalka ku dhaqayey kuna baqaayey.

Dhacdadii ugu xiisaha badnayd ee Moa xilligiisii dalka Shiinaha ka dhacday waxa ay la xidhiidhay midabka casaanka ee ay dawladdu ku tilmaamtay in uu ka barako badan yahay midabbada kale, dadkuna si gaar ah u xurmayn jireen. Markii magaalooyinka laga hirgeliyey laydhadhka kala hagista gaadiidka (Ishaarooyinka), ayaa saraakiishii ciidankii loo bixiyei Ciidanka Cas (Red Army) waxa ay liqi kari waayeen in midabkooda fadliga badan loo aqoonsado in uu yahay kii lagu istaagayey, waxa ay u arkeen in ay tahay tallaabo lagu colaadinayo kacaanka, waxa aanay bilaabeen amar diido ay kaga soo horjeedaan in midabkaas cas loo istaago, iyaga oo dadka ka dalbaday in midabka cagaarka ah lagu istaago kan casna lagu socdo. Llaakiin arrintaasi sidan uma ay dhicin oo ugu dambayntii waxaa soo dhexgalay wasiirkii gaadiidka oo madaxdii kacaanka ku qanciyey in aan waxba laga beddelin midabbada ishaarada.