Kulliyada Culuunta Beeraha Oo Lagu Kordhiyay Jaamacada Hargeysa

4
594

Picture1Hargeysa(Geeska)-Jaamacadda Hargeysa  ayaa  daaha ka fayday inay kuliyad lagu baran doono culuumta beeraha ay soo kordhisay.

Munaasibadii lagaga dhawaaqayey Kuliyadaas lagu barandoono Culuunta Beeraha Waxa ka soo qayb-galay Wasiirka Beeraha Somaliland Faarax Cilmi Geedoole, Guddomiyaha Xisbiga Talada Dalka haya ee Kulmiye Muuse Bixii Cabdi, Musharaxa Jagada Madaxtinimada ee Xisbiga Ucid Aqoon-yahan Jamaal Cali Xuseen, Marwo Faadumo Siciid iyo Masuuliyiin ka kala Socday Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa wadanig ah.

Kuliyadan Cusub ee Beeraha waxa ay Markii hore hoos tagi jirtay Kuliyada Sayniska iyo Cilmi baadhista, basle waxa ay wakhtigan noqotay kuliyad Madaxbanaan iyadoo Xafladaas laga sheegay in Dufcadii ugu horeysay ay Sanadkan ka Qalinjabinayaan Kuliyada Beeraha. Keyse Cali Nuur oo ka mid ah Ardayda Barta Culuunta Beeraha ayaa si weyn u soo dhaweeyey in Kuliyadoodu Gooni isku taagto, isaga oo xusay in ay wax badan tabanayaan Sida Buugag, Shaybaadhadii lagu baadhayey Ciida, Beer tijaabo ah oo ay Ardayda Beeraha Barta ay Cilmigooda ku sii korodhsadaan, waxaanu baahiyahaas ugu baaqay in ay wax ka qabtaan hay’daha iyo Wasaaraduba.

Dr. Aadan Cilmi Cabdilaahi oo bare ka ah Jaamacada Hargeysa Qaybta Beeraha ayaa sheegay in Somaliland tahay wadan u bisil dhinaca beeraha, waxaanu xusay in dalka meel kasta oo wax laga beero ay wax ka soo baxayaan, waxaanu nasiib darro ku tilmaamay in dadka reer Somaliland mar walba gacmo shisheeye ay eegto iyada oo aan dalkeedii beeran, waxaanu ugu baaqay shacabka in ay wax beertaan.

Guddoomiyaha Jaamacada Hargeysa Prof.Cabdi Xuseen Gaas iyo Guddoomiye ku-xigeenka Jaamacada Hargeysa Dr. Diriiye Ismaaciil oo iyaguna xafladii Daah-furka Kuliyada beeraha ka hadlay ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay soo dhaweynayaan in ay Goonideeda isku taagto kuliyada beeraha oo ay sheegeen in markii hore ay hoos tagi jirtay Kuliyada Sayniska iyo Tignooliyada, waxayna la dardaarmeen Ardayda kuliyada beeraha, waxaanay ku booriyeen in dadkooda uga faa’iideeyaan cilmiga ay barteen. Guddoomiye Ku-xigeenka Kuliyada Sayniska Cabdifarax Maxamed Cabdi oo markii hore ay hoos tagi jirtay Kuliyada Beeruhu waxa uu sheegay in muddo Afar Sanno ah kuliyadan lagu dhawaaqayaa ay hoos tagi jirtay Kuliyada Sayniska, basle ay maanta ka Madax banaantahay, waxaanu ardayda u soo jeediyey in ay halkaas ka sii wadaan aqoontooda oo ay dalkooda galiyaan wixii la soo baray.

Wasiirka Beeraha ee Prof. Faarax Cilmi Geedoole oo isaguna xafladaas ka hadlay ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan ay soo dhaweynayaan Kuliyadan cusub ee lagu baranayo Culuunta Beeraha, mataana ay la noqon doonto wasaarada beeraha. Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in Hay’ada FOA ay ku caawisay qalabyo kala duwan kuwaas oo ah kuwii lagu baadhayey Siidhadhka iyo Ciida waxaanu xusay in ciida ugu horeysa ee shaybaadhadaas ka faa’ideysanaysaa ay yihiin tahay ardayda Beeraha. Wasiirka Beeraha Waxa kale oo uu jawaab ka bixiyey hadalo ka soo noqday Siidh ay dawlada Maraykanku ugu deeqday Somaliland, Waxaanu sheegay in Siidhkaasi uu ahaa mid Somaliland u baahnayd.Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Bixii Cabdi oo isaguna xafladaas ka hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in lagu dhawaaqo kuliyada cusub ee Beeraha waxaanu sheegay in Cilmiga beeruhu yahay mid aad u mihiim ah, waxaanu kula dardaarmay ardaydii sanadkan ka qalin jabinaysay kuliyada beeraha in ay dalkooda wax taraan.

 Musharaxa Jagada Madaxtinimada ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo isaguna Xafladaas ka hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in ay indhi Hiisu arkaan Arday Baranaysa Cilmiga Beeraha oo uu sheegay in Somaliland ahmiyad weyn ay u tahay in dadkeenu bartaan Beeraha.

Comments are closed.