Mujaahidiinta Dhegaweyne, Xasan Ciise, Maxamed Xaashi Iyo Xasan Guure Oo Madaxweynaha Ku Cambaareeyay Haweenkii Ay Ka Tageen Haldoorkii SNM Oo La Xidhay

4
672

Picture10Hargeysa(Geeska)-Madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka,ayaa wax laga xumaado iyo bar madaw oo ku taala taariikhda xukuumada madaxweyne Axmed Siilaanyo ku tilmaamay xadhiga iyo tacadiyada laysugu daray afar xaas oo ay ka dhinteen hogaamiyayashii ugu tunka weynaa SNM oo iyagu dalkan xoreeyay.

Waxa ay mujaahidiintani ku tilmaameen arinkani uu yahay mid loo baahan yahay inay si cad ugu  jawaabaan shacbi weynaha reer Somaliland,waxaanay si cad ugu eedeeyeen xukuumada haatan mid aan wax karaamo ah u hayn dadkii dalka nafahooda u soo huray wakhtigii adkaa.

Waxaay sidan ku sheegeen hoggaanka madasha wada tashiga iyo toosinta qaranku shir jaraa’id oo ay warbaahinta u qabteen iyaga oo ay ag fadhiyeen afar haween ah oo ka mid ah xaasaskii hogaamiyayaashii sar sare ee SNM.

Ugu horaynrtiii gudoomiyaha madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka Mujaahid Xasan Guure Jaamac oo halkaas ka hadlay yaa yidhi“Waa ayaan daro  in maanta hadidi ay wax tar kale ka waayeen mujaahidkii SNM wakhtiga dheer hogaaminayay wax yeelo iyo xadhig in uu u raacaa waa ayaan daro aad u weyn,waxay xasuusinaysaa maalmahii qadhaadhaa ee ay soo mareen ,waxay xasuusinaysaa agoonimadii,dadkii iyo wakhtigii kaga lumay waana wax yaabaha ay umadahu ka xishoodaan.waxay kaga sinayd inuu madaxweynuu u yeedho wax waydiiyo oo waraysto.”

Mujaahid Ibraahin Cabdilaahi Xuseen (Dhagaweyne) ayaa isaguna dhankiisa si adag uga hadlay dhacdadan waxaanu ku timaamay inay tahay mid muujinaysa heerka xukuumadani ay ka joogto dadka mudanta dalkan ah,waxaanu eedaymo u soo jeediyay xukuumada madaxweyne Axmed Siilaanyo “Halkan waxa jooga dumarkii ragii SNM ugu qaalisanaa ee ahaa tiirarkii ugu adkaa ee ay ku joogtay ee maanta xornimadaynu joogno dhiigoodii qaaliga ahaa u huray ee ubadkoodii ku agoomoobeen Maxamed Cali waad garnaysaan Ibraahin Jaamac Dhiif (Ibraahin hayliqin),Carab Ileeye iyo Xiis Maxamed Cali Qoys, dumarkan waa la laayay oo waliba gacmaha ayay qaar ka jaban yahiin dhaawac ayaa loo gaystay,xadhigbaa loogu daray,karaamadoodiina meel baa lagaga dhacay,waxa umadda la xasuusinayaa SNM halka ay ka joogto dawladan maanta gudoomiyahii ugu mudada dheeraa ayuu ahaa Madaxweyne Siilaanyo inamadan yar yar ee uu meesh dhigtay waa kuwaas haddii qofi karaamo leeyahay dadkii laga xishoon jiray waata sidaas loo galaayo,caruurtoodii qaarbaa tahriibay oo badu inay liqday iyo in kale aan la garnayn,faqash iyo ta maanta taagani maxay ku kala duwan yahiin marka xaasaskii mujaahidiinta horteena lagu garaacaayo, waxa yaala ee inoo hadhay waa maxay,shacabka ayaan u daynaynaa jawaabta,haddii ay waxaas gayaan iyo hadii meel lagaga dhacayba umadda Somaliland inay arinkaas jawaab cad ka baxiso ayaanu uga fadhinaa.kii qorigiisa la soo talaabay ee SNM basaaska ku noqday in la yidhaahdo soo cay wax la qaadan karo maaha anaguna qaadan mayno.” 

Waxa falkan si adag isaguna dhankiisa uga hadlay Mujaahid Xasan Ciise Jaamac oo falkan ku tilmaamay mid mudan in wax laga qabto,waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Ragii ugu mudnaa ragii dalka xoreeyay xaasaskoodii inta bilays loo soo diro inay riix riixaan oo isteeshinka ay geeyaan oo ay mudo ku hayaan waa nasiib daro aad iyo aad u weyn waa bar madaw oo taariikhda xukuumadan ku taala mid loo fadhiyayna maaha.wadamda halganka dheer gala madaxweynayaashooda qaarbaa marka la soo gaadho sanad guuradii xorayntooda ee xaflada loo sameeyo xuskaas ee ciidamadii dalku ay soo maraan qaar baa iyagu halkii ay salaanta ka qaadan lahaayeen salaanta siiya naafada iyo dhaawacii dalka xoreeyay, xaasaskii ay ahayd inuuu madaxweynuu salaamo oo dadka dalka ugu qiimaha badnaa in la xidho oo la garaaco oo dibin daabyadaas loo gaysto xuquuq la siiyo iska daaye waa wax Somaliland ku cusub waana arin mudan in wax lagu qaato oo wax laga qabto oo laga tashado.madasha wada tashiga waxa loo sameeyay in arimnaha caynkan oo kale ah ay badka keento oo dadka ay talo waydiiso iyaduna ay wax ku darto.”

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa isna si adag u cambaareeyay xadhiga haweenkaas loo gaystay, waxaanu sheegay inay qurux badnayd in madaxweynuhu haweenkaas la kulmo, kana waraysto xaaladooda, isagoo sheegay inay Madaxweynaha arrintaasi ceeb ku tahay.

Comments are closed.