Suuq Aad Loogu Han-Weynaa Oo Casriya Oo Laga Furay Boorama

1
590

Picture2Borama(Geeska)-Waxa xaafadaha Sh. Cali Jawhar gaar ahaan bariga magaalada Boorama toddobaadkan laga furay suuq cusub oo aad u balaadhan oo noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo loogu magac daray Awdal City Center, kaasi oo uu maal galiyay muwaadin reer Somaliland ah oo magaciisu yahay Xuseen Daahir Mixile.

Badhasaabka Awdal iyo Madaxda Dawalada Hoose ee Boorama ayaa xadhiga ka jaray suuqaasi, waxana ka soo qayb galay xafladaasi furiaanka ah, Madaxda heer gobol, heer degmo, oday dhaqameedyo, culimo, xildhibaanada D/Hoose iyo dadwayne aad u tiro badan.

Maxamed Daahir Mixile oo ah masuulka suuqan ayaa ka waramay ujeedadaii keentay inay suuqan dhisaan, waxana uu yidhi “Markaan aragnay inay magaaladu qabto baahi wayn oo dhinaca suuqa ah, markii aan is tusnay in suuqayadu ay aad u kooban yihiin isla markaana dadka xaafadani ay u baahan yihiin inay helaan meel u dhow oo ay ka adeegtaan, waxa aan dhisnay suuqan oo ah mid aad u balaadhan, isla markaana waxa uu socday dhismaha suuqani mudo 2 sanadood ah, waxana aan sheegaynaa in baahida kaliya ee jirta maantu ay tahay wado la’aan haysata suuqan, waxana aan uga baahanahay D/Hoose inay u banayso wadooyinka”

Eng. Cumar Daahir oo isagu dhisay suuqan ayaa waxa uu ka sheekeeyay waxa uu ka kooban yahay waxana uu yidhi “Suuqani waxa uu ku fadhiyaa dhul cabirkiisu yahay 100m oo dherer ah iyo 30m oo balac ah, taasi oo isku noqonaysa celcelis ahaan 3 kun oo mitir oo isku wareeg ah, waxa uu ka kooban yahay 3 qaybood, oo ay qaybta koowaad tahay meel loogu tala galay tukaamada iyo baayacmushtariga guud oo ka kooban 30 qol, qaybta labaad oo ah qaybtii khudaarta lagu iibiyo waxa ay ka kooban tahay 36 qol oo ah meelaha ay dumarku fadhiistaan, qaybta sedexaad oo ah qaybtii hilibka waxa ay ka kooban tahay 25 miis oo dhagax ah oo loogu talo galay hilibka, waxa uu leeyahay dayr wayn oo u xidhan, waxana ku baxdaay lacag ka badan 320 kun oo doolar”.

Sul. Ibraahim Jaamac Samatar, Sul. Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal iyo Sh. Cabdilaahi Sh. Cali Jawhar oo halkaasi ka hadlay ayaa u duceeyay muwaadinka suuqan dhisay, waxana ay xuseen inuu if iyo aakhiraba heli doona ajarkiisa, tani badalkeeda waxa ay ugu baaqeen dawlada hoose inay wadooyinka u banayso oo ay ka hawl gasho sidii jidad uu suuqani u heli lahaa.

Maayar Ku Xigeenka Boorama Maxamed Faarax Dheerayste, Xil. Cabdi Dhagawayne, Xil. Rooble iyo Xoghayaha D/Hoose Maxamed Cabdi Xaashi Xamari oo hadalka isaga daba xigay ayaa qiray in hawsha uu muwaadinkani qabtay ay tahay midii looga baahnaa inay D/Hoose iyo D/Dhexe qabtaan, hadiise maanta la helay masuuliyada saarani ay tahay inay ka hawl galaan sidii looga shaqaysiin lahaa, iyaga oo balan qaaday inay wadooyinka u furi doonaan, sidoo kalena dhinaca cashuurta dib u eegi doonaan, muwaadinka suuqan dhisayna la wadaagi doonaan waayo aragnimadooda ku aadan sariibadaha iyo sidii tayadeeda loo kordhin lahaa.

Badhasaabka Gobolka Awdal Cabdoo Aayar oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa waxa uu wax ku dayo u baahan ku tilmaamay talaabada uu qaaday muwaadinkani, isaga oo xusay in fikirkan iyo fikiro noocan oo kale oo la isku daraa ay wax badan ka qaban karaan haqab-tirka baahiyo badan oo ka jira magaalada Boorama.

Si kastaba ha ahaatee, waa markii u horaysay ee Suuq sidan u balaadhan laga furo xaafadaha bariga Boorama, waxana uu buuxinayaa baahida dhinaca adeega iyo dukaansiga ah ee ay dadka xaafadahani qabeen, waxana tani ku lahaan cabsi isa soo taraysa oo ay dadka xaafadahan oo maanta ah meel loo dalxiis tago ay ka muujinayaan qashinka tirada badan ee uu suuqani soo kordhin doono, waxana meesha ku jirta in masuuliyada maaraynta qashinkaas ay dusha u ridan doonto D/Hoose oo Boorama.

Comments are closed.