Ku Talax Tagga Isticmaalka Barkulannada Bulshada Waxaa Laga Qaadaa Faquuqnimo Iyo Xaasidnimo

0
655

Cilmibaadhis cusub ayaa ka digtay in ku talax tagga isticmaalka barkulannada bulsho ee internet ku ay qofka ku abuuraan shucuur kelinimo. Cilmibaadhayaal ku xeeldheer cilminafsiga oo ka tirsan jaamacadda Pittsburgh ee dalka Maraykanka ayaa ogaaday in mar kasta oo uu sii bato waqtiga uu qofku ku qaadanayo barkulannada bulshada ee internet ku ay sii korodho suurtogalnimada in uu bulshada ka faquuqmo.

Cilmibaadhistan uu Geeska Afrika turjumay oo lagu faafiyey majaladda Preventive medicine oo ka falloota daweynta ka hortagga ah ee cudurrada kana soo baxda dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in qofka oo waqti badan ku qaata isticmaalka shabakadaha war-is-gaadhsiinta bulshada, sida Facebook, Instigram, Twitter, Snapchat iyo kuwa la midka ah, in ay qofka ku abuuraan shucuur xaasidnimo iyo in uu qofku aamin in dadka kale ay haystaan nolol tiisa ka farxad iyo guul badan.

Tijaabada ay cilmibaadhayaashu sameeyeen intii daraasaddu socotay ayaa ay ku ogaadeen in dadka laba saac ka badan maalin kasta isticmaalay barkulannada bulshada ay ku badato gooni-socodnimada oo uu si muuqata bulshada uga dhex faquuqmay,  marka la barbar dhigo dadka la xaaladda ah ee saacad badhkeed waqti ka yar ku qaatay isticmaalka shabakadahan. Waxa ay khubaradu hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay in cilmibaadhistan la sii wado, maadaama oo xaaladaha caafimaad darro ee dhimirka iyo gooni socodnimadu ay muddooyinkan dambe dhalinyarada dunida si aad ah ugu soo bateen. Waxa aanay yidhaahdeen, “Waxa aynu nahay noole bulshaawinimo u abuuran, laakiin nolosha casriga ahi waxa ay u jan-jeedhaa dhinaca kala kaxaynta halkii ay dadka isaga soo dhoweyn lahayd. Barkulannada bulsho ee internet kuna waxa ay u muqudaan kuwo qofka ku abuuraya shucuur ah in uu bulshadii ka maarmi karo, oo gooni socodnimo aanu dareemin”