Madaxweyne Siilaanyo Oo Xadhiga Ka Jiray Qayb Lagu Kordhiyay Cisbitaalka Hargeysa

0
584

Hargeysa(Geeska) Madaxweynaha Axmed Maxamed Silaanyo, aayaa shalay xadhiga ka jaray xarun cusub oo loogu tallo galay inay noqoto qaybta gurmadka deg dega ah ee cisbitaalka guud ee Hargeysa taas oo la sheegay inay qaadi doonto halkii marba 50 qof.

Madaxweyne siilaanyo, ayaa u mahadceliyay dadkii gacanta ka gaystay dhismaha qaybtan cusub ee gargaarka deg dega ah oo bedeli doonta qaybtii hore ee gargaarka deg dega ah  oo la dhisay sannadkii 1953.

 

Waxaana xaflada furitaanka ka hadlay Agaasimaha guud ee Cusbitaalka, Wasiirka Maaliyada, Wasiirka Caafimaadka, Maayarka Caasimada Hargeysa iyo masuuliyiin kala duwan oo dhamaantood iska daba maray faa’iidada uu yeelan doonto xaruntani cusubi. Waxaana xusid mudan in maayarka caasimada Hargeysa oo  hore 50,000 oo doolar ugu deeqay qaybtaasi dhamaatay uu shalay qaybta labaad ee madaxweynuhu u dhagax dhigay hooyada iyo dhalaanka uu ugu deeqay lacag dhan 20,000 oo Doolarka maraykanka ah.

Ugu danbayn Wasiirka Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa laba gaadhi oo nooca Ambulance -ka loo yaqaano ku wareejisay xaruntaasi cusub iyadoo xustay in aan meel kale loo isticmaalin balse ay ka hawlgalaan looguna gurmado xaaladaha degdega ah ee caasimada iyo nawaaxigeeda ka soo kordha, iyadoo furayaasha labadaasi gaadhi gacanta ka gelisay Madaxweynaha  isna uu ku wareejiyey Wasiirka Caafimaadka, Wasiirkuna uu ku sii wareejiyey Agaasimaha Cusbitalka, Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale shahaado sharafyo gudoonsiiyey masuuliyiin ay maamulka cusbitaalku ku sharfeen sidii ay ula shaqeeyeen intii ay ku guda jireen dhismayaashaasi, isagoo madaxweynuhu halkaasi ka jeediyey khudbad uu ugu mahadnaqay maamulka cusbitalka iyo cid kasta oo gacan ka geysatay, waxaanu madaxweynuhu xusay ahmiyada ay qaran u leedahay labaadhinta iyo dayactirka cusbitaalka guud ee dalku,