Hargeysa (Geeska)- La taliyihii inta uu qaaday kiishkii uu dahabku ku jiray ayaa uu hor dhigay gurigii ninka beer-qodaha u ahaa boqorka. Goor habeennimo ah oo aanay cidi arkayn inta uu soo kaxeeyey boqorkii ayey meel qarsoon ka soo eegeen. Ninkii beer-qodaha boqorka ahaa oo soo sidii caadada u ahayd soo rawaxay kuna socdo gurigiisa ayaa si kedis ah u arkay kiishkan dahabku ka buuxo, inta uu qaatay ayaa uu farxaddii qoyskiisii oo dhan u sheegay, boqorkii oo aan aadba ula yaabin farxaddaas boqorka iyo in uu reerkiisa u sheegay sidaa awgeed fikirka la-taliyaha macno darro u arka ayaa damcay in ay iska kacaan, laakiin La-taliyihii ayaa u sheegay in weli war hadhsan yahay oo ay joogayaan.
Ninkii beer-qodaha boqorka u ahaa markii ay wada seexdeen qoyskiisii waxa uu bilaabay in uu tiriyo dahabka uu helay oo tiradoodu noqotay 99 wasladood, beer-qodihii waxa markiiba niyaddiisa gashay in tirada dahabku ahayd 100 oo xabbadii kale bannaanka ku dhacday, isla markiiba inta uu albaabkii furay oo uu ilays soo qaatay ayaa uu raadiyey wasladdii boqolaad ee uu filayey in ay ka luntay, markii uu kiishka soo qaadayey, laakiin waa waslad aan jirin oo ma’ uu helin. Goor uu daalay foorarkii badnaana dhabarku xanuunayo ayaa uu garwaaqsaday in uu ka hadho raadinta wasladda 100aad ee dahabka ah. Beer-qodihii goor dambe ayaa uu hurdo u diyaar garoobay, markiina ma seexan oo waxa uu hadba ka fikirayey wixii uu ku qaban lahaa dahabka uu helay. Subaxnimadii isaga oo aad u daallan hurdadii xalay ka tagtayna la qaadiraysan ayaa uu goor xilligiisii caadiga ahaa ka dambeysay uu soo kacay, isla markiiba buuq iyo cadho ayaa uu kula dhex dhacay qoyskii oo farxaddii uu kaga tegi jiray hurdo la'aantii ayaa dhaafisay, shaqadii waxa uu tegey isaga oo aad u daallan, waqtigiisii ka habsaamay, firfircoonidii lagu yaqaannayna meesha ka baxday, heestii iyo farxaddii shaqada uu ku qaban jiray laguma arag. DHinaca kalana, markiiba kibir ayaa uu bilaabay oo waxa caddaatay in aanu canaan iyo wax u sheeg diyaar u ahayn, weliba waxa uu ku hanjabayaa in haddii sida uu rabo in uu u shaqeeyo laga yeeli waayo uu iska tegi doono.
Dabcan waa nin is hubo oo kayd dahab ahi guriga u yaallo. Boqorkii waxa uu la-taliyihiisii u sheegay dhaqanka is beddelay ee beer-qodaha. La taliyihii waxa uu ku yidhi, boqorkii ninkan beer-qodaha kuu ahi waxa uu haystay nolol maalmeedkiisa oo ku filan iyo guri hanti ah, waxa aanu u arkayey in wax ka maqani aanay jirin, farxaddana taas ayaa u sabab ahayd, laakiin Isla markii uu helay 99 wasladood ee dahabka ah ayaa uu bilaabay in uu raadiyo tii boqolaad, maskaxdiisuna waxa ay bilowday fikir iyo qorshaynta wixii ay dahabkan ku qabsan lahayd oo hurdo waa ay kala dhaqaaqeen, daryeelkii qoyska ee lagu yaqaannay waa uu ka gaabiyey is fahamkiina waa uu lumay. Aadamaha haddii nicmo la siiyo kuma qanco inta uu hayo oo dheeraad ayaa uu raadiyaa. Addamaha xeradiisu marnaba ma buuxsanto. Ugu dambayntii taliyihii sidaa xikmadda leh ayaa uu boqorkii ugu qanciyey sababta keentay in uu waayo farxaddan uu joogtada u haystay ninka beerta u qodaa. Dhammaad.