Dawladda Somaliya Oo Ka Cadhootay Baasaaboorka Cusub Ee Somaliland Iyo Madaxweyne Siilaanyo Oo Caalamka Ugu Baaqay Inay Aqoonsadaan Guulaha Dalkiisa

0
473

Picture11Hargeysa(Geeska)-Dawladda Somaliya ayaa si weyn uga xumaatay Basaborka Elektarooniga ah ee ay dawladda Somaliland si rasmi ah u hirgelisay qaadashadiisa.

Safaaradda Somaliya ee wadanka Maraykanka, ayaa ayaa ka digtay Basaboorka cusub ee Somaliland oo ay ku tilmaantay inuu yahay mid foorjari ah. “Wargelin: Waxa jira baasaabooro foorjari oo ay soo saareen maamulka la yidhaahdo Somaliland. Ka digtoonaada.” Ayay safaaradda Somaliya ee Maraykanku ku tidhi qoraal ay gelisay barta ay twitterka ku leeyihiin.

Waxay intaas raaciyeen “Baasaaboorku waa dhukumenti lagu socdaalo, sida caadiga ahna waxa bixisa dawlad qaran, oo cadaysa sumada iyo dhalashada. Somaliland waa wadan aan jirin.”

Safaarada Maraykanka ee Somaliya waxa safiir ka ah Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo mar raysalwasaare ka soo noqday dawladaha tamarta daran ee Somaliya soo maray.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Salaasadii xadhiga ka jaray furitaanka Basaborka cusub ee Somaliland oo ah Eelektaroonig, kaas oo ah saddex nooc oo loogu tallo galay diblomaasiyiinta, shaqaalaha dawladda iyo dadka shacabka ah. Qoraal kooban oo la geliyay barta uu Madaxweyne Siilaanyo twitterka ku leeyahay wuxuu ku sheegay in la hirgeliyay basaborka Elektarooniga ah ee Somaliland oo uu tilmaamay inuu yahay mid tayo leh. “Waxaanu bulshada caalamka ugu baaqaynaa inay aqoonsato guulaha.” Ayuu  ku yidhi Madaxweyne Siilaanyo, sida qoraalka lagu sheegay.

Madaxweyne Siilaanyo  hadal kale oo uu ka je ediyay furitaankii  Basaborkiisa cusub ee Somaliland, wuxuu ku sheegay inuu ku faraxsanyahay in la furo Basaborka Elektarooniga ah ee Somaliland.