Shan Dabeecadood Oo Ay Gabadhu Ku Nacdo Ninka (2)

0
768

Hargeysa (Geeska)- Dabeecad ahaan ninka iyo gabadha mid kastaa waxa uu jecel yahay in ruuxa uu nolosha uu yeesho dhammaan tilmaamaha qof bani’aadam ah lagu ammaani karo, iyo wax kasta oo wanaagsan oo xidhiidhkooda guur waarin kara, in kasta oo ay hubaal tahay in sawirka uu qofku niyadda ku hayo guurka hortii ee uu jecel yahay in mataankiisu u ekaadaa inta badan u dhow yahay mid aan suurtogal ahayn aakhirkana uu ku qasbanaado in uu aqbalo ceebaha ruuxan nolosha la wadaagaya, laakiin haddana waxaa weli jira sifooyin dhowr ah oo ay dumarka badankoodu ka siman yihiin nacaybka ay u qabaan, kuna ducaystaan in aanu yeelan ninka ay nolosha la wadaagayaan. Tilmaamahaas kuwooda ugu muhiimsan oo shan ah ayaa uu wargeyskan Geeska Afrika maanta u soo gudbinayaa akhristayaashiisa sharafta mudan, waxa aanay kala yihiin:

1. Bakhaylnimada: Bakhaylnimadu waa laba nooc, mid la taaban karo iyo mid aan la taaban karin, ta la taaban karaa waa ninka oo lacagta iyo dhaqaalaha uu nolosha iyo badhaadhaha qoyskiisa ku bixinayaa ay aad uga yar yihiin inta ku filan, xilli uu isaguna hayo dhaqaale intaas uu bixinayo aad uga badan, bakhaylnimada labaadna waa ninka oo xaaskiisa kala bahkhayla shucuurta kalgacal iyo ereyada jacaylka iyo naxariista muujinaya, labadan arrimoodba waxa ay gabadha ku keenaan niyad jab iyo in ay nacdo ninka iyo xataa nolosha qoysnimada.

2. Cadhada Badan: Dabeecad ahaan gabadhu waxa ay inta badan dulqaad u yeelataa mawqifyo badan oo qallafsan oo ay ninka kala kulanto, laakiin waa inta uu isaguna yahay ruux marka aanu cadhaysnayn dabiici ah, la fahmi karo, qaladaadkiisii xilliga cadhadana si toos ah ama dadban u sixi kara.

Caadi ahaan waxaa la og yahay in cadhadu sideedaba ay ninka indho tirto oo ay ka qaaddo garowshiyaha iyo in uu xaqiiqada dul istaago, waxa ay ku keentaa in uu qaato go’aamo aanu ka fikirin iyo in uu cadaaladda ka fogaado, sidaa awgeed cadhada badani waxa ay dishaa qalbiga gabadha waxa aanay horseeddaa burburka qoyska, kadib marka aakhirka uu dulqaadku gabadha ka dhammaado.

Ceebaha kale ee ay cadhadu sideedaba leedahay waxaa ka mid ah in dad kale ay fursad u siiso in ay soo dhex galaan nolosha qoyska, oo marka ay is fahmi waayaan khilaafkooda iyo murankooduna dibadda u soo baxo ay ku marmarsoodaan in ay dhexdhexaadinayaan. Laakiin waxaa la og yahay in soo dhex galka gacantaa saddexaad ay bilowba u tahay khilaaf dhab ah oo aan dhayal u bogsan. La soco qaybta labaad iyo cadadka dambe. (Idan Alla)…