Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii Shanaad ee taxanihii uu Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayey xidhiidhka ka dhaxayn kara xarafka ugu horreeya magaca qofka iyo dabeecadihiisa ama shakhsiyaddiisa:
Xarafka L:
Niifiin Abu Shaalah oo ah khabiir ku xeeldheer cilmifalagga oo u dhalatay dalka Lubnaan ayaa qoraal ay dhowaan faafisay oo ay kaga hadlaysay sida xarafka koowaad ee magaca qofku ka bilowdaa astaan ugu noqon karo dabeecaddiisa, marka ay la hadlayso qofka uu magaciisu ku bilowdo xarafkan aynu maanta soo qaadannay ee L waxa ay qortay, “Safar jacaylkaaga iyo guurguuritaanka aad xiisaysaa waxa ay saamayn ku yeesheen dabeecaddaada. Waxa aad xariif ku tahay hanashada qalbiyada dadka kale. Waxa aad tahay qof qalbi wanaagsan oo la jecel yahay, arrimahana dhinaca fiican ka eega. Laakiin ceebtaadu waa in aad tahay qof aad u xasaasiya”
Xeeldheerayaal kale oo ka hadlay shakhsiyadda qofka magaciisu L ku bilowdaana waxa ay ku tilmaameen, ruux kalgacal badan, dabeecaddiisu jacayl burqanayso, oo leh hab-dhaqanka afka qalaad lagu yidhaahdo Roomaansi, dadkana aad ugu soo jiita.
Qofka uu nolosha la wadaagayo Afo ama say ayaa ah waxa uu muhiimadda koowaad ee noloshiisa siiyo. Waxa qof aan dhib u arkin tacabburka iyo hadba is miidaaminta cusub. Waxa uu jecel yahay in ruuxa uu qoyska la wadaagayaa (Xaaska ama sayga) noqdo qof maskax iyo fariidnimo badan, haddii uu taas ka waayana waxaa dhib ku ah in uu sii wado xidhiidhka.
Qaa Qof markasta jacayl u baahan oo aan ku noolaan karin meel aan laga jeclayn, kalgacal ayaanu la golongolaa isaga oo aan xitaa hubin in qofka jacaylka uu u siddaa mid la mid ah u hayo. Ugu dambayntiina dadka magaca L ka bilowda leh, waxaa lagu yaqaannaa calool dabacsan iyo dhibirsanaan, hab-macaamil wanaagsan, maskax badan, bulshaawinimo iyo midka ugu muhiimsan oo ah in ay yihiin dad aad ugu wanaagsan barashada luuqadaha shisheeyaha.