Soonka Iyo Sixada (12): Faa’idooyinka Caafimaad Ee Cunitaanka Basashu Uu Leeyahay Xilliga Soonka

0
588

Beirut (Geeska)- Dhammaan xeeldheerayaasha nafaqada iyo cunatadu waxa ay ku taliyeen in bisha soonka la badsado cunitaanka basasha, maadaama oo ay la gaar tahay faa’idooyin caafimaad oo uu jidhku si gaar ah xilligan ugu baahan yahay.Qoraalkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda caanka ah ee MBC waxaa lagu sheegay in basashu ay jidhka siiso nafaqooyin aad muhiim u ah oo ay ka mid yihiin, xaddi badan oo ah macdanaha sida xadiidka iyo Kalshiyaamta ah. Sidoo kale jidhku waxa uu basasha ka helaa maaddooyin ay ka mid yihiin asiidhka Foolik, Faytamiin C iyo E iyo maaddooyin kiimikaad oo waxtar u leh caafimaadka.

Basashu waxa ay kordhisaa xaddiga maadadda Insulin ee jidhka ku jirta, sidaa awgeed waxa ay xilliga soonka faa’ido gaar ah u leedahay dadka macaanka qaba ee sooma, sidoo kale waxaa faa’ido leh xaddiga curiyaha Sulfur ee ku jira basasha. Faa’idooyinkeeda kale waxaa ka mid ah in ay yarayso heerka Kalastaroolka dhibaatada leh ee jidhka ku jira, iyada oo isla markaana kor u qaadaysa xaddiga Kalastaroolka fiican ee jidhku u baahan yahay, arrintaas oo si weyn wax u tarta caafimaadka wadnaha, ka hortagna u ah xanuunnada xididdada dhiigga qallafiya ama adkeeya.

Maaddooyinka kale ee basasha ku jira waxaa ka mid ah, Quercetin iyo Flavonoid oo qofka ka ilaaliya in ay ku dhacaan xanuunnada khatarta ah, waxa aanay yareeyaan ama ka hortagaan burburka unugyada ee keena in uu gabowgu qofka ku soo degdego.

Ugu dambayntii waxa ay basashu yaraysaa xiiqda, waxa aanay xoojisaa lafaha oo ay ka ilaaliso burburka. Guud ahaanna cunitaanka basasha oo la badsadaa waxa ay yaraysaa ama ka hortagtaa nabar/boog calooleedka iyo gaasteriga oo inta badan la arko xilliga afurka, waxa aanay dishaa noole ili-ma’-aragtayda ah oo ku dhasha caloosha, wax-yeelleeyana derbiga caloosha.