Kooxda Duulista & Hawada Oo Ku Guulaysatay Koobkii Tartanka Kooxaha Heerka Koowaad Ee Caasimada Ka Dib Markii Ay Shalay Ka Guulaysteen Kooxda Noradiin Schools

0
876

 

P1030544 - CopyKooxda Duulista iyo Hawada ayaa maalintii shalay ku guulaysatay koobkii tartanka kubada cagta kooxaha heerka ee caasimada oo si habsamiya uga socday garoonka weyn ee Hargeysa Stadium.

Kooxda Duulista ayaa 1-0 kaga guuleysatay kooxda dhigeeda ah ee Noradiin Schools oo ay hore iskugu soo arkeen bilawgii tartankan maadaama ay isku Group wada ahaayeen horena 2-1 u soo guulaysatay kooxda Noradiin Schools. Kulankii shalay ee Final-ka ayaa daawashadiisa ay ka soo qayb galeen Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Wasiirka Cadaalada, Wasiirka Duulista iyo Hawada, Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska, Maamulaha Guud ee Noradiin School, Maamulka Wasaarada Ciyaaraha iyo dadweyne aad u fara baddan maadaama ay ahayd maalin Jimce ah oo ay dad baddan oo shaqeeya nasiib u yeesheen inay daawadaan kulanka Finalka.

Kulankii shalay oo ku bilawday jawi cirku rooban yahay oo aad u wanaagsan ayaa labada kooxoodba garoonka la soo galeen ciyaar diiran oo farsamadeedu aad u sarayso, waxaana koox walba ka go’nayd inay gacanta ku dhigto koobka tartanka sidoo kalena ay noqoto kooxda horyaalka kooxaha heerka koowaad ee caasimada. Waxaana qaybtii hore ee ciyaarta labada kooxoodba ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah, qaybtii labaad ee ciyaarta markii la iskugu soo noqday ee koox walba uu macalinkoodu u tilmaamay galdaloolooyinka ka muuqda ayaa xiisihii ciyaartu cirka isku sii shareeray, waxaana kooxda Duulista iyo Hawada weerar xoogan oo ay qaaday u suurto gashay inay la timaado goolkii hogaanka ciyaarta ay ku qabatay waxaana gool aad u qurux baddan meel goolka ka fog dhaliyey Muxiyadiin Diiriye Ducaale oo khadka dhexe ka ciyaara, goolkaas ka dib kooxda Noradiin Schools oo dedaal baddan samaysay ayaanay u suurto galin inay la timaado goolka ciyaarta lagaga gacan sareeyay, waxaana aakhirrkii ciyaartu ku soo gabagabawday 1-0 ay guushu ku raacday kooxda Duulista iyo Hawada sidaasna ku hanatay koobkii tartanka kooxaha heerka koowaad ee caasimada, noqotayna kooxda horyaalka kooxaha kubada cagta ee caasimada, sidoo kalena kooxda Noradiin Schools ayaa iyaduna hanatay koobkii kaalinta labaad ee tartanka kooxaha kubada cagta heerka koowaad ee caasimada. Maamulka sare ee labadan kooxood Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Mahad Ibraahim oo  shalay ka soo qayb galay ciyaartan ayaa si kal iyo laab ah iskugu hambalyeeyay, waxaana masuul kasta uu Hambalyo u diray ciyaartoyda kooxdiisa oo dedaal dheeraad ah la yimid tan iyo intii uu tartanku socday, gabagabadiina Wasiirka Ciyaaraha ayaa halkaas labada kooxoodba ku gudoonsiiyay labadii koob ee kaalinta koowaad iyo kaalinta labaad.

Player Of The Macth (Xiddigii Ciyaarta): Waxaa kulankii shalay ee Final-ka si weyn uga dhex muuqday ciyaartoy Muxiyadiin Diiriye Ducaale oo khadka dhexe uga ciyaara kooxda Duulista iyo Hawada, sidoo kalena waxa uu kooxdiisa ka caawiyey goolkii guushu ay ku raacday isagoo goolkaasi uu ahaa gool aad u qurux baddan.