Wasiirul Dawlaha Nabadaynta Gobalada Bari Oo Mar Kale Cadho Uu Kaga Baxay Magaalada Hargeysa Ku Jooga Deegaanka Widhwidh

0
688

 

Picture6Hargeysa(Geeska)-Wasiirul dawlaha nabadaynta gobalada bari Mr. Kayse Cabdi Yuusuf, ayaa safar cadho la xidhiidha ku tagay deegaanka Widhwidh ee gobalka Sool, oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo.

Wasiir Kayse, oo aan wax war ah laga helin maalmihii u dambeeyay, ayaa toddobaadkan gaadhay magaalada Widhwidh oo saldhig u ahayd wakhtiyadii uu jabhadka ahaa, waxaana la sheegay inuu cadho kagay baxay magaalada Hargeysa. Inkastoo uu Geeska Afrika isku dayay inuu la xidhiidho Wasiirka si uu wax uga weydiiyo wararkan, haddana umay suurtogelin. Laakiin warar ku dhowdhow ayaa sheegay in Mr. Kayse, uu go’aan ku gaadhay inuu ka baxo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ka dib markii ay isku gaadhay sida la sheegay waxyaabo badan oo uu madaxtooyada ka tirsanayay, waxaanay wararka qaar sheegeen inuu Baabuurkiisii gaarka ahaa dhigay sayladaha baabuurta lagu iibiyo ee magaalada Hargeysa si uu iskaga bixiyo dayn lagaga leeyahay magaalada Hargeysa.

Waa markii labaad ee uu Wasiirul dawlaha nabadayntu dudmo ku tago deegaanka uu dhalasho ahaan ka soo jeedo, waxaanu markaas hore dib ugu soo noqday magaalada Hargeysa, ka dib markii sida la sheegay la dhameeyay tabashooyin uu tirsanayay. Laakiin lama oga in xukuumadda Somaliland mar labaad isku dayi doonto ladqabaynta Mr. Kayse.

Madaxtooyada Somaliland oo aanu sidoo kale isku daynay inaanu wax ka weydiino warkan, ayaanu weynay, ka dib markii ay xidheen telefoonadooda gacanta, qaarkoodna naga qaban waayeen.

Kayse Cabdi Yuusuf, ayaa ka mid ahaa garabkii milatari ee maleeshiyaadkii SSC, waxase uu Hargeysa ku yimid go’aan nabadeed oo uu qaatay, iyadoo wakhti dheer ka dibna uu Madaxweynuhu u magacaabay xilkan uu weli hayo.