Shirweynihii Ururka Qareenada Oo Furmay

1
800

 

Hargeysa(Geeska)-Shirweynihii Sadexaad ee Ururka Qareenada Somaliland, ayaa ka furmay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, kaas oo la filayo in maanta oo Axad ah lagu dooran doono Hogaan cusub, ka dib markii uu hogaankii hore wakhtigiisii dhamaaday, kaas oo socon  doona muddo laba cisho ah.

Munaasibad si heersare ah loo soo agaasimay oo ay ka soo qayb galeen Guddoomiyaha Maxkamada sare Yuusuf  Ismaaciil Cali, Madax kale oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland,  Saraakiil ka socotay  Ha’adda UNDP iyo hogaanka Sare ee  Ururka Qareenada Somaliland ee loo soo Gaabiyo SOLLA, waxaana  shirkaasi isugu yimid Ergooyin ka kala socday Gobolada Dalka oo Ururkaasi ka tirsan oo tiro ahaan gaadhaya ilaa Boqol iyo Konton Xubnood.

Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada Shirweynaha 3-aad ee Ururka Qareenada Somaliland Qareen Foosi Sheekh Yoonis oo Ugu horeyn munaasibadaasi ka hadlay, ayaa ka war bixiyey Marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray Ururkaasi, waxaanu sheegay in xafladdii ay ku midoobeen Ururkii Gar-Gaar lagaga Dhawaaqay qabsoomidda Shirwaynahan oo uu sidaasi ku qabsoomay

Guddoomiyihihii Hore ee Ururka Qareenada Somaliland Jaamac Cilmi Xaashi  oo isaguna munaasibaasi ka hadlay ayaa sheegay  inu  Ururka qareenadu ahaa laba Urur oo midoobay oo aan yeelan tafaraariq iyo kala furfurnaan balse halkan ku soo gaadhay isu tiir sanaan, waxaanu sheegay inay gudigii soo qabaqaabisay shirkani ay baal dahaba kaga jiraan Ururkan.

Guddoomiyaha Daladda ay ku bahoobeen Ururada aan dawliga ahayn ee SONSAF Mustafe Sacad Dhimbiil oo isaguna ka hadlay halkaasi, ayaa u mahad naqay Ururkan SOLLA, waxaanu uu yidhi “Waxaan u mahad naqayaa Ururka Qareenada Somaliland ee Halkan ku qabsanaya Shirwenahoodii 3aad iyo madaxda cadaalada ee uu Ugu sareeyo Gudoomiyaha maxkamad sare  iyo xubnaha Ururka qareenada ee SOLLA, waxaan ku amaanaya horumarka ay tacliinta Somaliland samaysay, runtii cadaalad baa isku keen hayn karta waxaanan qabaa hadii Ururo bulsho xoogan la helo inay kaabi karaan Hay’adaha Dawlada ee sharciga ka shaqeeya”

Ugu Dambayntii Guddoomiyaha  Maxkamada sare Ee Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali oo soo xidhay furitaanka shirweynaha, ayaa sheegay inay riyooyinkiisa ka mid ahayd inay tano kale dhacdo, isagoo tilmaamay inuu aad ugu faraxsan yahay qabsoomidda Shirweynaha Seddexaad ee Ururka Garyaqaanada Somaliland ay ku bohoobeen, waxaanu ku dheeraaday wax qabadkii Ururkaasi waxaanuu yidhi “Wax yaabaha uu Ururkani qabtay waxaa ka mida u Adeegida  dadka Da’da ah Caruurta iyo Haweenkaba waxaan ku qanac san ahay qareenku dheefta uu ka helo kiis uu difaacayey inaanay marnaba u dhigmi Hawsha ka soo gaadhay ee war-war iyo culaysba leh,Waxaynu ognahay inaanay maxkamadi kiis qaadi karayn hadaanu dhibanuhu Qareen haysan”

Comments are closed.