Koonfurta Suudaan Oo Sii Daysay Maxaabiistii Ay Xabsiyada Ku Gurtay

0
1030

Picture2Dawladda Suudaanta Koonfureed ayaa sii deysay toddobo kamid ah maxaabistii u xidhnayd arrimo Siyaasadeed oo qeyb ka ah heshiiskii usbuuci hore falaagada kula saxeexdeen magaalada Addis Ababa.

Toddobo kamid ah maxaabiista ayaa la sii daayay shalay, waxaana Koonfurta Suudaan ay ku wareejisay Dowladda Kenya iyadoo laga dejiyey magaalada Nairobi.

Maxaabiistaan oo u badan Siyaasiyin hore xilal kasoo qabtay Dowladda ayaa lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen qorshe afgambi xilka looga tuurayo Madaxweyne Salva Kir oo fashilmay. Afar kamid ah maxaabiista ayaa weli xiran, waxaana la ogeyn gorta la sii deyn doono.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo madaxtooyada Nairobi kusoo dhoweeyay ayaa Shir jaraa’id uu qabtay ka codsaday dhinacyada ku dagaalamaya Koonfurta Suudaan in ay joojiyaan colaada ay ku dhinteen kumanaanka rayidka.

Mid kamid ah Maxaabiista lasii daayey oo lagu magacaabo John Luk Jok oo hore u ahaa Wasiirka Cadaalada ee Koonfurta Suudaan ayaa sheegay in Madaxweyne Salva Kir aanay u arag cadowgooda.

Wasiirka Cadaalada ee Suudaanta Koonfureed Paulino Wanawilla ayaa sheegay in maxaabistaan la sii daayey ay mudo kooban joogi doonaan Kenya ayna dib u laaban doonaan si maxkamada la horgeeyo laguna qaado kiiska lagu soo oogay oo ah in ay qayb ka ahaayeen qorshe afgembi.

Madaxweyne Salva kiir ayaa ku eedeeyay kuxigenkiisa hore Riek Machar in uu rabay xukunka ku qabsado dagaal, balse Machar oo hadda dhuumaleysi ku jira ayaa beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay.

Xubno kala matalaaya labada dhinac ayaa todobaadkii hore heshiis xabad joojin ah ku gaadhay dalka Itoobiya, waxaana inta badan wadanka ka dhaqan galay xabad joojinta inkastoo meelaha qaar laga soo sheegaayo dagaalo goos goos ah.