Badhasabka Saaxil Oo Dhammeeyay Khilaaf Ka Dhex Jiray Dadka Deegaanka Beenyo Macaan

0
892

Picture3Hargeysa(Geeska)-Badhasaabka gobalka Saaxil Cali Maxamed Cilmi,ayaa sheegay inay dhameeyeen khilaaf soo jiitamay oo u dhaxeeyay dadka wada dega magaalada Beenyo-macaan oo 120km dhinac bari ka xigta magaalada Bebera.

Badhasaabku waxa uu sheegay inay xalinta arintaas ka wada qaybgaleen salaadiin,odayaal iyo masuulyiin xukuumada ka socday, labadii beelood ee khilaafku ka dhexyeeyayna ay qaateen go’aamadii la gaadhay, isla markaasna la kala qaatay waxii dhibaatooyin ah ee kala gaadhay labadaas beelood.

Waxa uu sidan u sheegay badhasaabku wargeyska Geeska Afrika, waxaanu isaga oo arimahaas ka hadlaaya uu yidhi“Bisha 26-tankeedii ayaanu u baxnay meesha la yidhaahdo Beenyo-macaan oo 120-kmbari ka xigta Bebera,waxa jiray laba beelood oo isku khilaafsanaa degitaanka magaaladaas,hore ayaanu arinkaas u dhamaynay in dhulkana la wada dago wixii turxaanbixin ah ee laysku leeyahayna la dhameeyo ayaanu u baxnay.Markaas Salaadiintii,Odayaashii iyo madaxdhaqameedyadii labada beeloodna waa ay yimaadeen,meesha ayaanu isugu tagnay shalay ayaanan soo dhamaynay, si wanaagsan ayaanu arinkana u dhamaynay.”

Badhasaabka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Waxaana jirtay bari hore oo meesha laysku khilaafay wax la kala gubay daaro iyo carshaan iyo waxyaabo lamid ah, markaas waa la wada qiimeeyay,waa laysku wada celiyay,waana laysa saamaxay,odayaasha ayaa arinkaas dhameeyay waxii labada beelood ku kala maqnaa. Waxaana nagala qaybgalay Suldaan Maxamuud Guuleed Mire,Suldaan Cabdiraxmaan Qorda iyo Sudaan Axmed Xaaji Xuseenba intaasiba way nala joogeen,arinkaasna si wanaagsan ayaan u dhamaysnay, saddex casho ayaanay qaadatay,dhamaan go’aamadii ka soo abxay xukuumadda iyo odayaashaba labada beelood way qaateen.”