Khudaar Yaraan Soo Waajahday Caasimadda Hargeysa, Rabshadaha Itoobiya Ka Jira Darteed

0
844

Hargeysa(Geeska)-Khudaar yaraan ka dhalatay rabshadihii dhawaan ka dhex dhacay Soomaalida iyo Oromada ee Itoobiya, ayaa laga dareemayaa magaalada caasimadda ah ee Hargeysa.

Khudaar yaraantan ayaa maalmihii u dambeeyay laga dareemayay suuqyada Hargeysa. Wasiirka ganacsiga Somaliland Dr. Shucayb Maaxmed, ayaa dhinaciisa ku dhawaaqay in khudaar yaraani dalka ka jirto, wasiirka oo ka hadlayay shir shalay Hargeysa ka furmay oo ay ka qayb galeen ganacsatada Somaliland iyo maalgashadayaal caalami ah, wuxuu yidhi  “Itoobiya dhibaato yar ayaa ka dhacday maanta khudaartii cirkaas ayay maraysaa saladh soo helimaysid, basashiibaa kala go’day, baradhadiibaa kala go’day.” ayuu yidhi wasiirku, waxaanu isagoo shacabka ugu baaqaya inay dalkooda beertaan uu yidhi  “Dalkeenuna waxa uu leeyahay khayraad oo biyo iyo dhulkii la beeranayay; waxaynu u baahanahay in dadka la baro in ay wax beertaan oo ay iyagu la soo baxaan,waxaynu soo dhoofsanaa khudaarta oo kaliyaata in ka badan afartan milyan sanadkii, cuntooyinka iskaba daa, maanta waxaan u malaynayaa in la gaadhay markii aynu la soo bixi lahayn, waayo waxa aynu nahay dad haddii wax dhacaan aan haysan amaan cunto, waxaan rajaynayaa in dadkeena ganacsatada ah ay jaaniskan ka faa’idaystaan, xabada qaji ah ayaa maanta cirkaas maraysa guriga hortiisana waa lagu beertaa.”

Geesta kale, khudaartan yaraatay darteed, sida wasiirku sheegay waxa isbedelay qiimihii khudaarta, maadaama oo khudaarta ugu badani Somaliland uga timaado dalka Itoobiya.