Shuraako Oo Hargeysa Ku Kulansiisay Ganacsatada Somaliland Iyo Maalgashadayaal Caalami Ah

0
831

Hargeysa(Geeska)-Shirka ganacsatada Somaliland iyo maalgashadayaal caalami ah ayaa ka furmay  gudaha magaalada Hargeysa, shirkan oo socon doona muddo saddex casho ah ayaa xooga lagu saari doonaa sidii ay xidhiidh u yeelan lahaayeen ganacsatada Somaliland iyo

maalgashadayaasha caalamiga ah.

Shirkan ayaa ay ka soo qaybgaleen wasiirada ganacsiga iyo macdanta iyo tamarta Somaliland iyo sida oo kale baanka

aduunka,maalgashadayaal caalami ah oo ay ka mid tahay Aamina Xirsi oo ah muwaadin u dhalatay Somaliland oo degen dalka Uganda iyo ganacsatada Somaliland, waxaana soo qaban qaabiyay haayada Shuraako.

Ugu horayntii waxa shirkaas furay wasiirka ganacsiga Cumar Shucayb Maxamed oo ka hadlay sida ay Somaliland xukuumadeedu u danaynayso maalgashiga, waxaan hadaladiisa ka mid ahaa”Maanta waa maalin qaaliya oo kulankani wax badan inooga faa’idayn doono, kulankani waa kii labaad ee qaybaha ganacsiga oo dhan lagaga hadlo ee ay soo abaabusho haayada Shuraako, wasaarada ganacsiga iyo rugta  ganacsiga, ujeedada shirkuna waxa weeye sidii loo heli lahaa is dhexgalka dadka maalgashadayaasha ganacsiga ah ee dibada inooga imanaaya iyo ganacsatadeena siday isku waraysan lahaayeen ee ay ganacsiga isku waydaarsan lahaayeen ee horumarka uga wada hadli lahaayeen, waxa muuqata inaan ku sii siqayno marka laga eego maalgashadyaasha waaweyn ee yimi sida walaasheen Aamina Xirsi, Maama Xirsi ayaa looga yaqaanaa Yugaandha waana maalgashadayaasha waaweyn ee halkaas, waan soo dhawaynaynaa.”

Wasiirka ganacsiga Somaliland oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi”waxa laga yaabaa in shirarka noocan ah aanay ka suugrto galeen maalo kale oo dhulka Soomaalida ah oo ay jeclaayeen qolada deeqbixiyayaashu inay ku qabtaan Muqdisho oo kale laakiin jaaniska aynu haysano ayaa inoo suurto galiyay inaan ku qabano halkan,xukuumadu waxay soo dhawaynaysaa maalgashiga iyada oo xukuumadan imika wakhtigeedu sii dhamaanayo ee aanu ka midka nahay ay waxqbad mudo dheer ku soo jirtay isla markaasna uu hadda bilaabmay horumarku, jaaniska maanta halkan yaalaa waa inuu qof waliba soo bandhigo ganacsigiisa.”

Ugu danbayntii wasiir Cumar Shucayb waxa uu halkaas ugu mahadnaqay cid kasta oo gacan ka gaysatay shirkaas”Waxan doonayaa inaan halkan uga mahadnaqo cid kasta oo soo abaabushay shirkan qiimaha leh iyo ka soo qaybgalayaashiinaba waxaanan filayaa inay ka soo bixi doonaan xidhiidh qiimo badan oo ganacsiga dhexdiisa ah oo maalmaha uu socdo ee sadexa casho ah ay wax badan ka soo qabsoomi doonaan.”

Wasirika macdanta iyo tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale oo isaguna dhankiisa shirkaas ka hadlay waxa uu yidhi”Shirkan maanta laysugu yimi ee dad badani ay ku dhanyihiin haday ganacsato noqoto iyo haday haayado noqotoba, waxa ugu weyn ee laga helayaa waa isku xidhnaan iyo xog, dadka hadlaya iyo kuwa shirka lagu soo casuumayba waa fursad qaali ah oo ay tahay inaad ka faa’idaysataan oo aad dhagaysataan, wax badan oo qusayn doona aaga ganacsiga ee aad ku jirto ayaa halkan ka dhici doona.”

Sida oo kale Fred Zake oo ka mid ah masuuliyiinta baanka aduunka ayaa ka hadlay inay taageero ka gaystaan ganacsiga Somaliland, arimaha la xidhiidha tamarta, waxaanu Somaliland ku tilmaamay inay tusaale nool u tahay nabadeedu dhisitaanka horumarka.

Aamina Xirsi Mooge ah haweenay u dhalatay Somaliland isla markaasna maalgashiyo xoogan ku leh dalalka Kiiniya iyo Ugandha loona aqoonsan yahay inay tahay haweenka maalgashiga sameeya ee Afrika ayaa halkaas iyaguna kaga hadashay arimaha ganacsigeeda, iyada oo ku dhiirigalisay ganacsatadu inay isku kalsoonaadaan isla markaasna ay xooga saaraan horumarkooda, waxaanay si qurux badan uga hadashay dhalashadeeda Somaliland.