Badhasaabka Gobalka Hawd Oo Xilkii Iska Casilay Iyo Nuxurka Farriinta Uu Diray

0
860

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyihii Gobolka Hawd Ibraahim Xaaji Cali Xasan, ayaa si rasmiya xilkii Guddoomiye-nimo iskaga casilay, waxaanu sheegay in casilaasidiisa ay sabab u tahay cadaadis kaga yimid Deeganada uu ka soo jeedo iyo Deegaanka uu Guddoomiyaha ka yahay, waxaanu xusay in sidoo kale is casilaadiisu ay la xidhiidho duruufo ku xeeran xaaladaha siyaasadeed ee dalka.

Guddoomiyihii Gobolka Hawd Ibraahim Xaaji Cali Xasan oo warbaahinta u waramaya ayaa sidoo kale aad ugu mahadnaqay Bulshada ka soo jeeda Gobolka Hawd oo uu sheegay inay si fiican ula soo shaqeeyeen, waxaanu ugu horeyn yidhi “Anigoo ah Guddoomiyihii Gobolka Hawd, Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ii magacaabay aad baan ugu mahadnaqayaa, intii aan runtii soo wada shaqeeynaynay Madaxweynaha aad baan ugu mahad-celinayaa, waxaan u mahad-celinayaa Gobolka Hawd iyo Bulshada ku dhaqan, oo ah Bulsho aad u sharaf badan oo aad u qiimo badan oo aan waligay ilaabayn sida ay ila soo shaqeeyeen, waxaan aad ugu mahadnaqayaa Bulshada Gobolka Saraar oo aan Badhasaab ka soo ahaa, intii uu Madaxweyne Siillaanyo xilka hayey, oo runtii aad ila soo shaqeeyey”.

Mar uu ka hadlaayey is casilaadiisa ayaa wuxuu yidhi “Waxaan runtii doonayaa in aan maanta (shalay), ku dhawaaqo in aan iska casilayo xilkii Guddoomiyaha Gobolka Hawd, iyadoo ay jiraan culays igaga imanaya deegaanka aan ka soo jeedo iyo deegaanka aan Guddoomiyaha u ahay labadaba, cabasho badan oo ay tirsanayaan, oo  in fara badan aan isku dayey in aan wax ka xaliyo, in wax ka sii daro mooye in wax xal ah oo ka soo korodhayaa aanay jirin, iyadoo waliba ay ku sii xeeran yihiin duruufo maamul, oo cakiran, oo wadanku hadda ku jiro, ay runtii ku sii jiraan, oo muddo dheer oo saddex sanno iyo badh ku siman aan ku fikirayey in aan is casilo, waxaan in badan xeerinayey oo aan tixgelinayey Madaxweynaha, xilka ii magacaabay, oo sharaf iga mudan, oo nin daacad ah, oo nin soo shaqeeyey ah, oo nin wax qabad ah , laakiin waxaad mooda duruufo isaga (Madaxweynaha) laftiisa iyo maamulkiisa ku xeeran oo dhanka kale u shaqeeynaya,ayaad mooda inay igu kaliftay in aanan xilka sii haynin, madaama aanu isaguna sharaxnayn, wakhtigiisi muddo xileedkuna uu dhamaaday, maalinta ay Doorashadu dhacaysay wuu saxeexay, hawshii ay ka dhammaatay, waxaan goostay tixgelintii aan Madaxweynaha tixgelinayey inay wakhtigeedii dhammaatay, in hadda Dadweynaha iyo Bulshada Gobolka aan Guddoomiyaha ka ahay, iyo Gobolka aan ka soo jeedo in aan tixgeliyo, culayska ay igu hayaan in aanan xamili karin intaas in ka badan”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Waxaan aad ugu mahadcelinayaa Madaxweynaha mar kale, oo shaqadi wanaagsanayd, ee daacadnimada lahayd, ee uu dalka ugu shaqeeynayey, oo intaaba aanu ku tixgelinayeynay, dadkii kale ee nadiifta ahaa ee aanu Xukuumadda ku wada jirnay, ee aanu soo wada shaqeeynayna, waanu u mahadcelinayaa, waxaan mar labaad iyo mar saddexaad ku celinayaa Bulshada iyo Dadweynaha Gobolka Hawd kuwa degan iyo kuwa ka soo jeedaba ama Hargeysa ha joogaan ama Dibaddaha ha joogaan, sida ay ila shaqeeyeen, sidii sharafta lahayd iyagoo wax badan tirsanaynaya, markii Guddoomiyaha la iga dhigay, ee aan yimid, siday ii soo dhaweeyeen, anigu runtii si hagar la’aan ah ayana ugu shaqeeyey , oo daacadnimo ku jirto, waxaana rajaynayaa inta aan sii noolahan ahay ee aan Siyaasada ku sii jiro, inay wada shaaqeeyntayadii halkii ka sii socon doonto”Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyihii Gobolka Hawd Ibraahim Xaaji Cali Xasan, ayaa si rasmiya xilkii Guddoomiye-nimo iskaga casilay, waxaanu sheegay in casilaasidiisa ay sabab u tahay cadaadis kaga yimid Deeganada uu ka soo jeedo iyo Deegaanka uu Guddoomiyaha ka yahay, waxaanu xusay in sidoo kale is casilaadiisu ay la xidhiidho duruufo ku xeeran xaaladaha siyaasadeed ee dalka.

Guddoomiyihii Gobolka Hawd Ibraahim Xaaji Cali Xasan oo warbaahinta u waramaya ayaa sidoo kale aad ugu mahadnaqay Bulshada ka soo jeeda Gobolka Hawd oo uu sheegay inay si fiican ula soo shaqeeyeen, waxaanu ugu horeyn yidhi “Anigoo ah Guddoomiyihii Gobolka Hawd, Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ii magacaabay aad baan ugu mahadnaqayaa, intii aan runtii soo wada shaqeeynaynay Madaxweynaha aad baan ugu mahad-celinayaa, waxaan u mahad-celinayaa Gobolka Hawd iyo Bulshada ku dhaqan, oo ah Bulsho aad u sharaf badan oo aad u qiimo badan oo aan waligay ilaabayn sida ay ila soo shaqeeyeen, waxaan aad ugu mahadnaqayaa Bulshada Gobolka Saraar oo aan Badhasaab ka soo ahaa, intii uu Madaxweyne Siillaanyo xilka hayey, oo runtii aad ila soo shaqeeyey”.

Mar uu ka hadlaayey is casilaadiisa ayaa wuxuu yidhi “Waxaan runtii doonayaa in aan maanta (shalay), ku dhawaaqo in aan iska casilayo xilkii Guddoomiyaha Gobolka Hawd, iyadoo ay jiraan culays igaga imanaya deegaanka aan ka soo jeedo iyo deegaanka aan Guddoomiyaha u ahay labadaba, cabasho badan oo ay tirsanayaan, oo  in fara badan aan isku dayey in aan wax ka xaliyo, in wax ka sii daro mooye in wax xal ah oo ka soo korodhayaa aanay jirin, iyadoo waliba ay ku sii xeeran yihiin duruufo maamul, oo cakiran, oo wadanku hadda ku jiro, ay runtii ku sii jiraan, oo muddo dheer oo saddex sanno iyo badh ku siman aan ku fikirayey in aan is casilo, waxaan in badan xeerinayey oo aan tixgelinayey Madaxweynaha, xilka ii magacaabay, oo sharaf iga mudan, oo nin daacad ah, oo nin soo shaqeeyey ah, oo nin wax qabad ah , laakiin waxaad mooda duruufo isaga (Madaxweynaha) laftiisa iyo maamulkiisa ku xeeran oo dhanka kale u shaqeeynaya,ayaad mooda inay igu kaliftay in aanan xilka sii haynin, madaama aanu isaguna sharaxnayn, wakhtigiisi muddo xileedkuna uu dhamaaday, maalinta ay Doorashadu dhacaysay wuu saxeexay, hawshii ay ka dhammaatay, waxaan goostay tixgelintii aan Madaxweynaha tixgelinayey inay wakhtigeedii dhammaatay, in hadda Dadweynaha iyo Bulshada Gobolka aan Guddoomiyaha ka ahay, iyo Gobolka aan ka soo jeedo in aan tixgeliyo, culayska ay igu hayaan in aanan xamili karin intaas in ka badan”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Waxaan aad ugu mahadcelinayaa Madaxweynaha mar kale, oo shaqadi wanaagsanayd, ee daacadnimada lahayd, ee uu dalka ugu shaqeeynayey, oo intaaba aanu ku tixgelinayeynay, dadkii kale ee nadiifta ahaa ee aanu Xukuumadda ku wada jirnay, ee aanu soo wada shaqeeynayna, waanu u mahadcelinayaa, waxaan mar labaad iyo mar saddexaad ku celinayaa Bulshada iyo Dadweynaha Gobolka Hawd kuwa degan iyo kuwa ka soo jeedaba ama Hargeysa ha joogaan ama Dibaddaha ha joogaan, sida ay ila shaqeeyeen, sidii sharafta lahayd iyagoo wax badan tirsanaynaya, markii Guddoomiyaha la iga dhigay, ee aan yimid, siday ii soo dhaweeyeen, anigu runtii si hagar la’aan ah ayana ugu shaqeeyey , oo daacadnimo ku jirto, waxaana rajaynayaa inta aan sii noolahan ahay ee aan Siyaasada ku sii jiro, inay wada shaaqeeyntayadii halkii ka sii socon doonto”