Khilaafka Xasan Sheekh Iyo Raysalwasaarihiisa Oo Baarlamaanka U Gudbay

0
508

Picture2Muqdisho (Geeska) – Khilaafka ka dhex qarxay Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal-wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), ayaa cirka isku shareeray ka dib markii xubno ka mid ah golaha Wasiiradu ay iman waayeen shirka Toddobaadlaha ah ee Khamiis walba Golaah xukuumadda Soomaaliya isugu yimaadaan.

Wasiirada dawladda Federaalka Soomaaliya ee ka maqnaa fadhigii Khamiistii oo ay ka mid ahaayeen Wasiirada arrimaha gudaha, Dibadda, Maaliyadda iyo xubno kale oo muhiim ah, sida lagu waramayna waxa la sheegay in arrintaasi ka cadhaysiisay Raysal-wasaare Saacid isla-markaana uu isku arkay in xukuumadduba kalsoonidii kala noqotay.

Dhanka kale, wararka Magaalada Muqdisho ka imanaya isla-markaana ay shalay baahiyeen idaacadaha VOA iyo BBC –du khilaafka Madaxwaynaha iyo Raysal-wasaaraha Soomaaliya ayaa u gudbay mudanayaasha Baarlamaanka, waxaana durba bilaabmay is xulafaysi Mudanayaasha Baarlamaanka, waxaana ka dhex dilaacay kooxo wada ololayaal iska soo horjeeda, taasina waxay keentay in Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari uu ka hadlo “Waxaan rabaa inaan uga digo xildhibaannada baarlamaanka ama ku adkeeyo in khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya golaha fulinta dowladda ayna u ololeyn ama warbaahinta uga hadlin, taasoo aan ula jeedo haddii khilaafaad siyaasadeed uu madaxda dalka soo dhexgalo aan la buun-buunin, waayo waa laga wada hadlayaa waana la xalinayaa, haddii ay taasi dhici waydo waxay u soo biyo shubaneysaa in golaha shacabka ay timaaddo maadaama ay taasi tahay mas’uuliyadda baarlamaanka loo sameeyey tahay, go’aan ka gaadho” ayuu yidhi Guddoomiye Maxamed Cismaan Jawaari.

Waxaa la dhagaysan doonaa bisha labaad ee Feburuary ee sanadka soo socda halka laga dhagaysan lahaa bishan Nofembar.