Golaha Ammaanka Oo Diiday In Dib Loo Dhigo Dacwadda Madaxda Kenya

0
532

Golaha Ammaanka ayaa diiday dalabka ah in dib loo dhigo dacwadda maxkamadda adduunka ee ka dhanka ah madaxda Kenya.

Dalabkan ayaa ahaa in maxkamadda dambiyada caalamiga ay muddo sanad ah dib u dhigto dacwadda ka dhanka ah madaxda Kenya.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo, ku xigeenkiisa, William  Ruto ayaa loo haystaa dacwad ah in ay ka dambeeyeen rabshadihii xigay doorashooyinkii 2007-da.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale loo haystaa in ay geysteen dambiyo ka dhan ah aadanaha intii ay socdeen rabshadahaasi.

Uhuru iyo Ruto labaduba way iska fogeeyeen eedeymahaas. Dalka Ruwanda ayaa qaraarkaasi qabyada ah hor geeyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Madaxda Afrika ayaa shir ay ku qabteen magaalada Addis Ababa  waxay kaga codsadeen Golaha Ammaanka inuu dib u dhigo dacwadda ka dhanka ah madaxda Kenya.

Dad kor u dhaafaya 1000 ruux ayaa ku dhintay qalalaasihii xigay doorashooyinkii dalka Kenya sanadkii 2007-da.

Maxkamadda dambiyada ee adduunka ayaa hore dib ugu dhigtay dacwadda Uhuru.

Waxaa la dhagaysan doonaa bisha labaad ee Feburuary ee sanadka soo socda halka laga dhagaysan lahaa bishan Nofembar.