Madaxweyne Silanyo Oo Markab Dushii Ku Soo xidhay Tababar Uu Ingiriisku Siiyay Ciidamada Badda Somaliand

0
545

Picture3Berbera (Geeska) – Madaxwaynaha Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay Tababar u soo xidhay cutubyo ka mid ah ilaalada xeebaha Somaliland, kuwaasi oo ay muddo laba toddobaad ah tababar siinayeen ciidamada Ingiriiska ee loo yaqaano British Marine-ka.

Madaxwayne Siilaanyo, oo shalay galinkii hore diyaarad khaas ahi ka qaaday Madaarka diyaaradaha Hargeysa, ayaa markii uu ka degay garoonka diyaaradaha Berbera, waxa uu kormeer ugu tagay dadkii waxyeeladu ka soo gaadhay roobabkii dhowrka maalmood ka da’ayay dalka,

meelaha uu kormeerka ku maray Madaxwaynuhu ayaa waxa ka mid ah dugsiga sare ee Bursade oo ay degan yihiin dad gaadhaya ilaa 5 boqol oo qoys oo ku barakacay roobabka, kuwaasi oo isugu jira qaar ay roobabku guryohoodii dumiyeen iyo kuwo ay biyo ka buuxiyeen, iyada oo ay halkaasi Madaxwaynaha warbixino la xidhiidha khasaaraha ay roobabku u gaysteen ku siiyeen maamulka gobolka iyo ka degmadda Berbera. Madaxwayne Siilaanyo oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay xukuumaddu gacan ka gaysan doonto sidii dadkaasi wax loogu qaban lahaa, waxaana amar uu bixiyey isla markiiba dadkaasi Wasaaradda dib u dejintu ugu qaybisay ilaa 1400 kiish oo raashin ah iyo bustayaal iyo Cawaha lagu fadhiisto, kuwaasi oo dhamaa ilaa 700 oo xabo.

Komeerka ka dib, waxa uu Madaxwayne Siilaanyo oo hogaaminayo Wefti ay xubno ka ahaayeen Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha dibada, Duulista, arrimaha gudaha, Taliyayaasha ciidamada qaranka iyo Milatariga Somaliland iyo weliba Maamulka Gobolka Saaxil, ayaa fuuley markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada badda ee boqortooyada Ingiriiska ee loo yaqaan ROYAL FLEET AUXILLIARY, halkaasi oo Madaxwaynuhu ku casuumay ciidamada badda ee Ingiriiska oo muddo laba toddobaad ah tababarayey ciidamo ka tirsan kuwa ilaalada xeebaha Somaliland.

Munaasibaddan oo ay ka qayb-galeen masuuliyiin ay ka mid yihiin safiirada dawladda Ingiriiska u jooga dalalka Itoobiya iyo Kenya, ayaa waxa ugu horeyn halkaasi ka hadlay Taliyaha Ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland Axmed Aw Cismaan, waxaanu yidhi isaga oo Madaxwaynaha war-bixin ka siinaya tababarka la siiyey ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland  “Waxaa noo farxad ah in aad nagala soo qayb gashid xafladda xidhitaanka tababarka ee ciidamadda ilaalada xeebaha Somaliland ay ka heleen cutubyo ka tirsan  ciidamadda Badda Royal Marine-ka dalka Ingiriiska, oo saaran markab la yidhaahdo RFA MOUNTS BAY …. Ciidamadaasi tababar ayay na siiyeen, tababarkaasina waxa uu socday muddo laba toddobaad ah, Wuxuu ahaa tababar qiimo leh oo lagu baranayay takhasusaad kala duwan oo ay ciidamadda baddu qaateen”

Madaxwaynaha Somaliland Md, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo isna gabogabadii xafladdaasi ka dhacday Markabka dushiisa ka hadlay ayaa dawladda boqortooyada Ingiriiska uga mahad celiyey tababarka ay siiyeen ciidamada badda Somaliland, waxaanu sheegay inay Somaliland doorkeeda ka qaadanayso la dagaalanka budhcad-badeeda adduunka jaho-wareerisay.

Madaxwaynuhu, waxa kale oo uu sheegay in arrintani muujinayso xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya Somaliland iyo boqortooyada Ingiriiska.