Ciyaaryahanka Falcao Oo Sheegay Inuu Ku Sii Nagaan Doono Kooxda Porto

0
1113

 

radamel falcaoWeeraryahanka kooxda  ka dhisan dalka Boortaqiiska ee Porto ee Radamel Falcao ayaa shaaca ka qaaday in aanay niyadiisa ku jirin inuu ka wareego kooxda uu hadda u qaaday koobka loo yaqaan Eurupe League.

 

Waxa soo baxaya warar sheegay in kooxaha ugu waaweyn qaarada yurub ay ku raad joogeen ciyaaryahanka, kooxaha oo ay kamid ahaayeen kooxda Real Madrid, Bayern Munich, Tottenham iyo Arsenal.

Ciyaarayahanka oo da’diisu tahay 25 jir ayaa mudadii uu joogay kooxda Porto muujiyey ciyaar farsamadeeda lala dhacay.

Ciyaaryahanka oo ka hadlay sida uu ugu faraxsan yahay joogitaankiisa kooxda Porto ayaa yidhi “ heshiiska aan kooxda kula jiro waxaa ka hadhay 2 sanadood, waxaanan ku talo jiraa inaan dhameysto heshiiskayga aan kooxda kula jiro”

Dhinaca kale gudoomiyaha kooxda ayaa ka dhawaajiyey in Falcao aanu iib ahayn waxaanu meesha ka saaray wararka sheegay in Porto ay wadahadal kula jirto qaar ka mid ah kooxaha aanu kor ku soo xusnay, waxaanu yidhi “  waxba kama jiraan wararka sheegay in aanu wadahal kula jirno kooxaha Real Madrid, Bayer Munich iyo Arsenal kaas oo ku saabsan ciyaaryahanka Falcao iyo waliba ciyaarayahanada kale ee ka tirsan kooxda.

Waxa ay wax u dhimaysaa qaab ciyaareedka kooxda haddii aanu fasaxno ciyaaryahanada waaweyn ee kooxda.” Si kastaba ha ahaatee kooxda Porto ayaa xili ciyaaredka muujisay qaab ciyaared la yaableh, waxaanay gaadhey guulo waaweyn oo ay ka mid ahayd inay qaaday koobka horyaalka dalka Boortaqiiska iyadoon laga badin hal ciyaar ah. Guulaha ay xaqiijisay kooxda Porto ayaa intooda badan loo tiriyaa tababaraha da’da yar ee xili ciyaareedkan kooxda la wareegay, kaas oo ay hadda ku raad joogaan kooxo waaweyn oo ay ka mid yihiin kooxaha  Chelsea, Roma Juventus.

By:- Aw-Qaafta