Khatarta Lix Beenood Oo Ah Malo-Awaal Ay Dhalinyaradu Inta Badan Naftooda Ugu Sheekayaan Guurka Hortii (Q:2)

0
643

Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii labaad ee qormadii uu wargeyskan Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayey lix fikradood oo ay xeel-dheerayaasha cilmiga bulshadu sheegeen in dhalinyaradu guurka ka hor aaminsan yihiin, balse ay yihiin fikrado been ah oo marka dambe ee ay guursadaan ay soo taabtaan xaqiiqadooda, beenahaas oo ka bilaambaya kan saddexaad waxa ay kala yihiin:

3. Hadda diyaar uma ahi ama weli uma bisli guur: Weedhani ma'aha mid isticmaalkeedu ku cusub yahay dhalinyarada, waa arrin ay caan ku yihiin. Isticmaalka weedhani waxa uu ku badan yahay wiilasha oo xataa mararka qaarkood iyaga oo dhaqaale ahaan awooda guurka, cabsi ay ka qabaan masuuliyadda iyo culayska xilka awgeed, ku andacooda in aanay weli gaadhin heerkii guurka. Khubarada cilmi nafsigu waxa ay sheegaan in war-war badan iyo walbahaarkuba yihiin astaamaha dabiiciga ah ee lagu arko qof kasta oo isu diyaarinaya weji cusub oo noloshiisa ka mid ah. Waxa ay khubaradu ku taliyaan in dhalinyaradu ay u arkaan guurka in uu yahay shuraako iyo dhisidda iskaashi togan oo nolosha wada jir lagu qaabilayo.

4. Guurku waa go'aan qalbiga ka soo go', iyo Guurku waa sida laydha oo qof waliba marka ay qaaddo ayuu u dhaqaaqaa: Waa aaminsanaan qaldan, waxa ay khubaradu sheegaan in dhalinyaradu qalad weyn fahamtay, waxa aanay ogeyn in go'aanka guurku ka soo baxo caqliga oo kaashanaya qalbiga. Waxa khubarada cilmi nafsigu sheegeen in ay dhalinyarada guud ahaanba waajib ku tahay in ay dib ugu noqdaan aragtida ay bilowga horeba ka haystaan guurka, waa in ay dareemaan in jacayl iyo is faham lammaanaha dhex maraa ku filan yahay in uu go'aan ku gaadho guur. Khubaradu waxa ay sheegeen in aragtidan laga dhadhansanayo aaminsanaan ah in guurku yahay wax iskii isu wada oo marka uu yimaaddo uun la guursanayo, taas macnaheedu waa in go'aanka guursiga loo daayo guurka laftiisu marka uu is keeno uun, waa fikrad si weyn u qaldan. Dhanka kale waxa ay khubaradu sheegeen in go'aan qaadashada guurku ka timaaddo maskaxda iyo qalbiga. Marka ay qalbiga ka timaaddo waa marka uu qofku eego keliya in uu qofkan jecel yahay ee aanu caqli ku darin. Marka uu go'aanku ka yimaaddo caqligana waa marka uu qofku u guursado keliya in uu dareemo in uu u baahan yahay guur. Labadan jeerba khubarada cilmi nafsigu waxa ay ku sheegaan qalad, sida ugu saxsanina waa in go'aanka guurku noqdo mid ka soo baxa caqliga iyo qalbiga oo is kaashanaya.

Khubaradu waxa ay tan u daliishadeen daraasado cusub oo tilmaamay in lammaanaha is ku guursada keliya jacayl ay isu qabaan awgii, intooda badani ay dhaqso u kala tagaan. Khabiir u dhashay dalka Faransiiska oo la yidhaahdo Dr. Seoul Gore Don oo ah bare-sare oo ku takhasusay cilmiga Bulshada ayaa sheegay in baadhitaan dheer kadib la ogaaday in boqolkiiba 85 ka mid ah lammaanaha qalbiga oo keliyi (Jacaylka) uu isu keenaan ay dhaqso u kala tagaan ama ugu yaraan rafaad is-fahmi waa ku wada noolaadaan. La Soco…