Dareenka Maqalka Ee Gabadhu Waxa Uu Ugu Maqli-Ogyahay Marka Ay Dhegeysanayso War Laga Qarinayo Oo Meel Ka Durugsan Lagu Hayo Iyo Xilliga Xanta Ay Hayso

0
729

London (Geeska)- Daraasad cusub oo dhinaca bulshada ah ayaa daahfurtay in heerka maqalka ee dumarku ugu fiican yahay laba jeer. Daraasaddan oo lagu sameeyey dalka Ingiriisku waxa ay daah furtay in marka ay dumarku wax xamanayaan iyo marka ay gabadhu dhegeysanayso war cid ka durugsani hadal hayso oo ay aad u xiisaynayso ay yihiin labada jeer ee ay gabadhu ugu maqalka fiican tahay.

Cilmi baadhayaasha daraasaddan sameeyey waxa ay caddeeyeen in saddex meelood laba ka mid ah tiro dumara oo baadhitaan lagu sameeyey intii daraasadda la waday lagu ogaaday in maqalkoodu ugu fiican yahay marka ay doonayaan in ay xadaan maqalka sheeko ama dood ka dhex socota dad aan iyada iska arkayn. Waxa ay diraasaddu caddaysay in dumarka lagu sameeyey baadhitaankan oo muddo loo dhabbo gelayey ay ka soo baxday in boqolkiiba 70 ka mid ahi si fiican u maqli kareen sheekada ka dhex socota dumarka ay sheeko wadaagta yihiin ama xataa kuwa uu ka dhexeeyo xifiltanku ee sheeko aanay ku jirin ku haysta meel ka durugsan. Waxa ay daraasaddu sheegtay in dareenka maqal ee gabadhu markan aad u shaqeeyo lagana yaabo in ay maqasho in ka badan Afar meelood saddex sheekada dhex maraysa dumarkaas.

Sidoo kale Cilmi-baadhayaasha sameeyey daraasaddan uu wargeyska Geeska Afrika soo turjumay waxa ay sheegeen in ragga qudhooda oo ay baadhitaankan mid la mid ah ku sameeyeen ay ku ogaadeen in ugu badnaan boqolkiiba 40 ka mid ah uu maqalkoodu fiicnaado marka ay wax xamanayaan ama ay dhegeysanayaan sheeko cid ka durugsani waddo halka tiro ka badan boqolkiiba 70 ka mid ah dumarku ay si fiican u maqli karaan xanta iyo sheekada ka durugsan. Cilmi-baadhistani waxa ay iftiimisay in tiro ka badan boqolkiiba 60 ragga ahi ay maqalkooda saluugaan ama ay maqli kari waayaan xanta iyo sheekada cid ka durugsani waddo. Ugu dambayntii waxa ay daraasaddu daah-furtay in astaamaha muujiya in qofku soo dhego beelayo ay ka mid tahay iyada oo lagu arko talefishanka oo uu kor u qaado iyo isaga oo marka la sheekaysanayo qofka ku celceliya, Maxaad tidhi iyo Yaa ama ereyo kale oo uu ku dalbanayo in hadalka loogu celiyo.