Khatarta Isticmaalka Talefanka Gacanta Ee Xilliga Roobka, Iyo 4 Qof Oo U Dhintay Mobile Ay Ku Hadleen

0
916

Moscow (Geeska)- Tan iyo markii uu dunida ku soo biiray isticmaalka telefanka gacanta ee Mobile-ku waxaa isa soo tarayey daraasado iyo qaylo-dhaan ka digaysa waxyeellada uu caafimaadka qofka isticmaalaya gaadhsiin karo. Cilmibaadhiso kala duwan oo laga sameeyey isticmaalka talefanka gacanta ayaa dhammaantood ka digaya khatarta caafimaad iyada oo weliba daraasadahaas mid kastaa da’ ay ka dambayso ka sii adag tahay digniinta ay bixinayso iyo khataraha caafimaad ee ay ka digayso, illaa kuwii ugu dambeeyey ay farta ku fiiqeen in isticmaalka talefanka gacantu uu galaafan karo nolosha dadka.

Warbaahinta dalka Ruusha ayaa baahisay warar sheegaya in dalkaas ay ku geeriyoodeen u geeriyooday dalkaas Afar nin kadib markii uu danab ku dhacay. Waxa uu warku sheegay in afarta nin ay geeriyoodeen markii iyada oo uu roob da'ayo ay ku hadleen telefankooda gacanta, taas oo sababtay in danabku uu u soo raaco hirarka talefanka gacanta ka baxa xilliga la isticmaalayo ama uu dhacayo. Sida ay sheegeen masuuliyiinta dalka Ruushku, dhacdooyinkan ay afarta nin ku dhinteen kooda hore waxa uu ka dhacay magaalada Syzran, waxa aanu ahaa wiil dhalinyaro ah oo isaga oo ku hadlaya telefanka gacanta uu qabsaday danabku. Saddexda qof ee kale waxa ay ku dhinteen magaalada Neftekumsk. Waxa aanay u dhinteen xaalado la mid ah taas hore.

Hadaba markii ay dhacdadani soo shaac baxday ayaa khubarada dalkaasi ay soo saareen daraasado iyo digniino ay dadka ugu sheegayaan in aanay xilliga roobku da’ayo isticmaalin talefanka gacanta, gaar ahaan marka uu jiro onkodka iyo hillaaca faraha badani. "Haddii adiga oo ku hadlaya Talefanka gacanta aad maqasho onkod ama aad aragto hillaac adiga oo aan telefankaas jarin dhinac isaga tuur" ayaa ay ahayd talada khubaradu ay siiyeen qofka onkod maqla isaga oo talefanka gacanta ku hadlaya. Wakaaladda wararka dalka Ruushka oo uu wargeyskan Geeska Afrika ka soo xigtay warkan ayaa warbixin ay kaga hadlaysay waxa ay dhacdada hore ee qofku ku dhintay, waxa ay sheegtay in wiilka oo 19 jir ahaa, xilli uu gurigooda joogay uu saaxiibkii ka codsaday in uu gaadhiga ku gaadhsiiyo gurigiisii. Saaxiibkiisaas uu gaadhiga ku qaaday oo magaciisu yahay Dima ayaa ka waramay sida ay wax u dhaceen, "Markii uu I geeyey gurigaygii, labadayaduba gudaha ayaanu galnay, iyada oo roob weyn oo onkod badani da’ayo, telefanka gacanta ee Sasha ayaa soo dhacay, kadib isaga oo ku ciyaaraya qofka la hadlaya ayuu lahaa, waxa aan joogaa xarunta duufaannada argagaxa. In yar kadib, waxa madaxa igaga dhacay, wax aad u xanuun kulul oo aan la miyir beelay, markii aan miyir la'aa 15 daqiiqo waxa aan soo miiraabay saaxiibkay Sasha oo dhulka yaalla, muuqaalkiisuna u eeg yahay mayd, markii la geeyey cisbitaalkana waxa ay dhakhaatiirtii sheegeen in qofka uu danabku ka qabsado wadnaha ay adag tahay in la badbaadiyaa"

Wakaaladda wararka ee Ruushku waxa kale oo ay sheegtay in inan magaceeda la yidhaahdo, Marina oo da'deedu ahayd 26 Jir iyada oo joogta webiga xeelligiisa uu roob weyni bilawday. Marina talefankeeda ayaa soo dhacay, isla markii uu soo dhacayna danabkan ayaa ku dhacay inantan, waxa kale oo uu dilay laba wiil oo joogay meel aan ka fogeyn halka uu ka dhaawacay lix qof oo kale oo dadkii meesha ka dhowaa ah. Xilliga uu roobku da’ayo gaar ahaan marka uu onkodku jiro waxaa ay khubaradu ka digaan shiditaanka talefanka gacanta iyo guud ahaanba aaladaha ku shaqeeya xadhig la’aanta iyo hirarka, sida talefishannada, rikoodhada iwm.