Khatarta Caafimaad Ee Talefishanku Uu Ku Keeno Ilmaha Da’diisu 6 Sano Ka Yar Tahay

0
567

Hargeysa (Geeska)- Waxaa in badan dhacda in waalidku uu ka cawdo hurdada ilmihiisa, gaar ahaan marka uu waalidnimada ku cusub yahay oo uu fahmi kari waayo ama la tacaali kari waayo hurdo la’aan uu ilmihiisa ku arkay.

Xeeldheerayaal arrintan muddo daraasaynayey ayaa ugu dambayntii ogaaday natiijo aanay dad badani filaynba oo ah in Talefishanku uu ka mid yahay sababaha ugu horreeya ee ilmaha hurdada ka lumiya ama ka khalkhaliya. Daraasaddani waxa ay muujisay in xitaa haddii aanu ilmuhu talefishanka daawanayn balse uu ka shidan yahay qolka uu ilmuhu seexanayo ama waalidkii ku hayo marka uu yar yahay in ay keento hurdo xumo ku dhacda ilmaha Cilmi baadhistan oo lagu sameeyay dala Finland waxa ay xaqiijisay in markasta oo ay badato saacadaha la daawanayo T.V-gu ay sidoo kale la badato dhibta carruurtu ay kala kulmaan hurdada, gaar ahaan waxa uu wax badan yeelaa in ilmuhu u sii wato hurdo xasilloon, taas oo badanaaba laga dareemo marka uu ilmuhu soo tooso subaxdii. Waxaa intaas u dheer in maalintii ilmaha daal badan laga dareemo.

Tijaabooyin arrintan la xidhiidha oo ay khubaradani ku sameeyeen 321 ah Aabayaal dhalay caruur da’doodu u dhexayso 5 ilaa 6 Sano oo ay khubaradu u igmatay in ay si dhow ula socdaan habka ay carruurtoodu u daawato talefishannadka iyo marka ay seexdaan waxa ay ku arkaan. Natiijada soo baxdayna waxa ay noqotay in ubadka ana talefishanka daawan habeenkii ama aan seexan qolka lagu daawanayaa ay ka hurdo fiican yihiin kuwa da’dooda ah ee daawada ama seexda qol lagu daawanayo. Iyada oo raadaynta taban ee uu Talefishanku ilmaha ku yeelanayaa kala duwan tahay, oo tusaale ahaan, ahaan marka uu ilmuhu daawado T.V-ga xilliga uu caadi ahaan seexdo ama uu kaligii daawado ay ugu khatar badan tahay.

Daawashada barnaamijyada dadka waaweyn loogu talo galay, sida kuwa dembi baadhista, wararka siyaasadda iwm, ayaa la ogaaday in ay dhib u keenaan guud ahaan xaaladda caafimaadka maskaxda ee ilmaha, gaar ahaan hurdadiisa. Gebogebadiina waxa ay khubaradan daraasadda samaysay ku talisay in waalidku uu xaddido waqtiga iyo nooca filimka uu ilmuhu daawanayo iyo dadka waawayn kula taliyay in ay carruurta iska fogeeyaan marka ay daawanayaan wararka, filimada iyo barnaamiyada dadka waawayn.