Khabiir Ka Tirsan FBI Oo Ina Baraya Habka Ugu Fiican Ee Qofku Uu Isu Jeclaysiin Karo Ruux Ay Hadda Is Barteen

0
715

Picture9

Washington (Geeska)- Waa qaybtii saddexaad  ee taxanihii, Robin Dreeke oo 27 sano ka shaqaynayey dabeecadaha dadka uu kaga jawaabayey su’aalaha ah: Sidee ugu habboon ee uu qofku ku dhisi karaa xidhiidho kalsoonina dadka u gashan karaa? Haddii si cad oo fudud aan u dhigo, su’aashu waa, “Sidee ugu habboon ee aad dadka uga dhigi kartaa kuwo ku jecel:

Dad qaar baan warkoodu xiise badnayn. Haddiib ay kugu dhacdo in aad xiisaynwaydo waxa uu qofku kuu sheegayo, maxaad ku odhan kartaa?

4. Su’aasha ugu fiican ee qofk kugu cusub aad weydiin karto:

Sida caadiga ah noloshu qof kasta caqabado iyo dhibaatooyin ayaa ay ku keentaa: maalqabeen iyo faqiir, waayeel iyo dhalinyaro da’ kasta oo aynu nahay, dhammaanteen waxa aynu la kulannaa taakooyin aynu jecelnahay in aynu ka sheekayno. Haddaba taas ayaa ah waxa ugu habboon ee ay tahay in aad qofka weydiiso.

Robin: Su’aasha cajiibka ah ee aan anigu jecelahay waa ta khusaysa caqabadaha. “Waa maxay caqabadaha aad shaqada kala kulantay toddobaadkan? Caqabado noocee ah ayaad ku aragtaa nolosha dalka? Ii sheeg caqabadaha ugu waaweyn ee kaa hor yimaadda dhalinyaro ahaan?

Qof kastaa caqabado iyo taakooyin ayaa uu ku turaan-turroodaa, waxa aanay qofka ku beertaa dareen xiisaynaya in uu dadka kale la wadaago. Sidoo kale su’aalahani waxa ya kuu suurtogelinayaan in aad si dhaqso ah oo fudud u ogaato waxa uu qofku door bidayo iyo qodobbada aanay noloshiisu la’aantood nuuxsan karin. In aad qofka laftiisa talo weydiiso oo arrin u muuqda in uu kuu shaqsiyahay kala tashataa waxa ay ka mid tahay arrimaha ugu mudan ee saamaynta ku yeesha, una furfura in uu ku aamino.

5. Laakiin ka waran haddii qofku uu kugu noqdo qof qabow? Waxaa jira dad laga yaabo in aanay doonayn in ay kula hadlaan ama aan dareenkoodaba ku siinayn. Kuwaa maxaad ka yeelaysaa:

– Marka ugu horreysaba waxa aad qofkaa dareensiisaa in waqtiga aad sheeko la wadaagaysaa aanu daqiiqad ka badanayn oo aad si degdeg ah u baxayso.

Robin: Dabeecad ahaan dadku marka ay dareemaan in aad dhaqso uga tegeyso, waa ay nafisaan. Haddii maqaaxi aad fadhiyey dhinac fadhiisato, kadibna aad ku tidhaahda, “Sharaab cab?” waxa ugu horreysa ee uu is weydiinayaa waa, “Yaad tahay? Maxaad doonaysaa? Goorma ayaad kacaysaa/tegeysaa?” Markaas jawaabaha aad qofkaa ka helayso iyo inta uu kuu furfurmayaa waxa ay ka xidhantahay waqtiga aad kaga tegeyso, markaas dhowrka ilbidhiqsi ee ugu horreeya kulankiinna waa in aad dareensiiso muddada aad la qaadanaysaa inta ay tahay. (Oo aan badnayn)

Daraasad: Cilmibaadhis hore ayaa daahfurtay in qofka oo la dareensiiyo in waqtiga aad wada joogtaan uu yahay ka ugu habboon ee aad isu heli kartaan, ay ku abuurto dareen furfurnaanshiyo iyo in uu waqtiga la barato si uu kuugu sheego jawaabta su’aalaha aad qabto.

– Qofna ma doonayo in sheeko uu qof qariib ah la wadaagay uu bad ku galo. Dhinaca kalana ogow in jacaylka ay dadku u qabaan in ay qofka caawiyaan uu ka badan yahay inta aynu caadi ahaan filayno, laakiin waxa keliya ee ka xiga caawimadaas iyo hadalkaasi uu yahay in ay dareemaan ammaan iyo in ay arrimaha xakamayn karayaan. La soco…