Khatarta Caafimaad Ee Ka Dhalata Barkimadu Marka Ay Uskaga Noqoto Iyo Sida Ugu Fiican Ee Looga Hortegi Karo

58
5079

London (Geeska)- In la ilaaliyo nadaafadda barkimadu waxa ay keentaa in laga badbaado xanuunnada maqaarka ku dhaca iyo cayayaanka ku dhalan kara ee caarada keena. Warbixin uu faafiyey wargeyska The Sun ee ka soo baxa carriga Ingiriiska ayaa lagu sheegay in gabadh baadhitaan lagu sameeyey barkimo maalmo lagu seexanayey oo muuqaal ahaan u ekeyd nadiif lagu ogaaday in ay ku nool yihiin in ka badan boqol nooc oo ah xasharaad aanay ishu qaban karin, haddii aan loo adeegsan weynayso.

Waxaa xusid mudan in tobannaan ka mid ah xasharaadkaas ay yaraanta awgeed awood u leeyihiin in ay ku dhex noolaadaan timaha sunneyaasha iyo xirribaha indhaha, sababna u noqon karaan in indho xanuun ay ka mid tahay barar indhaha ku yimaadda iyo xasaasiyad ay dhibaato noqoto in hore loo garto sababtooda.

Qaladka ugu weyn ee ay dadku inta badan galaan waa in ay u qaataan in barkimada wasakhdeedu ay tahay uun marka marada dusheeda laga garto in ay uskag tahay sida dharka aynu gashanno oo kale. Laakiin runtu sidaas waa ay ka duwan tahay. Caadi ahaan qofku marka uu habeenkii seexdo waa uu dhididaa, mid muuqda ama mid yar ka uu doono ha noqdo dhididkaasi ee, kadib waxa uu dhididku dhexgalaa barkimada oo laga yaabo in uu habeenba in yar hoos u sii galo, aakhirkana waxa uu sabab u noqdaa in bakteeriya iyo dulin aan ishu qabanaynin oo dhaafsiisan galkan sare ee barkimadu ay ku abuurmaan.

Dhibaatadu kuma koobnaa bakteeriyadaas iyo dulinkaas xaaladaha caafimaad ee aan fiicnayn ku keena maqaarka iyo indhaha iyo xitaa dhegta gudaheeda, waxa se dheer boodhka joogtada ah ee ili ma qabatayga ah ee isaguna qolka ka sida sibiqda ah ku soo gelaya isaga oo sufur dharka iyo kabaha la socota ah ama daaqadda ka soo gelaya, ama qolka dhexdiisaba si kale uga dhex samaysmaya, kaas oo marka uu barkimada ku ururo keena khatar caafimaad oo indhaha ah.

Xanuunnada uskaga barkimada ka dhasha waxaa ka mid ah caarada iyo xasaasiyadda maqaarka ku dhaca iyo findoobka, waana sababta ay dhakhaatiirta takhasuska ahi qofka findoobka leh talada koowaad ugu siiyaan in uu beddelo barkimada isla markaana ogaado nadaafaddeda.

Ma jiro waqti go’an oo cilmi ahaan qofka loo sheegi karo in uu barkimadiisa ku nadiifiyo, laakiin waxaa muhiim ah in uu ku dadaalo in aanu ku raagin, oo tusaale ahaan ay khubarada caafimaadka qaarkood sheegaan in aanay laba illaa afar habeen kaga badan. Iyada oo ay weliba fiican tahay in galka joogto loo beddelo, muddo kadibna barkimada oo dhanba la beddelo.

Waxa ay taladani si gaar ah ugu sii fiican tahay dadka maqaarkoodu duxda leeyahay, oo ay tahay in ay dedejiyaan waqtiga ay barkimada ku beddelayaan, waxaa iyaguna la mid ah dumarka iyo dadka timaha la baxa ee dufanka timaha aad u isticmaala. Waxa ay khubaradu aaminsan yihiin in timaha dheer ee dufanka lihi ay sahlayaan in ay soo qabsadaan bakteeriyada ili maqabatayga ah ee hawada ku dhafan, kadibna barkimada uu rarayaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here