Khatarta Ay Leedahay In Aad Barkato Ama Aad Soo Dhoweysato Talefanka Gacantu Marka Uu Dabka Ku Jiro

0
548

New York (Geeska)- “Ha seexan iyada oo uu barkimada ku yaallo talefankaaga gacanta oo dabka ku jiraa” Waaxda Bilayska ee magaalada New York ayaa ereyadan digniinta ah iyo sawirrada barkimo gubatay oo ku lifaaqan, soo geliyey barta uu dadweynaha kala xidhiidho ee uu ku leeyahay barkulanka bulsho ee Twitter ka, si uu dadweynaha uga digo khataraha ay leedahay in talefankaaga gacanta aad ku dabayso sarriirta aad seexato.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa sheegaya in bilayska New York waxa uu dadka uga digay in talefanka oo barkimada la hoos geliyo ama si uun dugsi badan u dareema marka uu dabka ku jiraa ay keeni karto in baytarigu uu kululaado kadibna dab-qabsado, sidaasna uu ku waxyeelleeyo qofka ku dhow ama uu dhaliyo olol guriga oo dhan khatar geliya.

Masuuliyiinta qaybta Dab-demiska ee New York ayaa hore uga digay in la maro lagu dedo ama barkimada iyo firaashka la dhex geliyo talefankaga gacanta oo dabka ku jiraa ay sababi karto in baytarigu kululaado kadibna dab dhaliya ama qarxo.

Guud ahaan Waaxaha Dab-damiska ee dalka Maryakanka ayaa iyaguna hore u sheegay in dhammaan aaladaha korontada ku shaqeeyaa ay u baahan yihiin meel ay hawada ka qaataan marka ay dabka ku jiraa si looga hortago khatarta ah in baytarigu kululaado kadibna qarax sababo.

David Berardesca, oo ah taliyaha waaxda dab-demiska ee degmada Hamden oo ka tirsan gobolka Connecticut ee dalka Maraykanka ayaa isna Talefishanka NBC u sheegay, “Qalabkani marka ay dabka qaadanayaan, waxa ay u baahan yihiin meel hawo leh in la dhigo” isaga oo sharraxaya sida ugu habboonna waxa uu intaas ku daray, “Waxa aan ku talinayaa in aaladahan la dul saaro meel oogadeedu adke tahay, si kulayla baytarigu yeelanayaa uu u kala firdho oo oogadaas adag ugu faafo oo aanu kulaylku isagii ku urursanaa. Baytaryadani waa ay kululaadaan, illaa mararka qaarkood ay dhalaalaan, mararka qaarna waxa ay sababaan qarax uu dab iyo olol ka dhasho”