Calaamado Digniin U Ah In Faalig Oo Haddii Lagu Baraarugo Sabab U Noqon Kara Badbaado

0
612

Riyaad (Geeska)- Dr. Haani Khaalid Caqaad oo ku xeeldheer culuunta caafimaadka maskaxda iyo neerfayaasha ayaa soo bandhigay talooyin uu sheegay in ay ishaaro u noqon karaa in uu dhiig maskaxda ku furan yahay, oo uu qofku khatar u yahay faalig, laakiin haddii markaas tallaabo la qaado laga badbaadin karo xaaladdaas dilaaga ah.

Calaamadahan oo Dr. Hani sheegay mar uu dhowaan marti ku ahaa barnaamijka caafimaadka ee talefishanka MCB ayaa uu Geeska Afrika oo u rogay afsoomaali u soo bandhigayaa akhristayaashiisa:

1. Wejiga: Haddii qofku uu isku arko ama dadka ku xeerani ka dareemaan in marka uu dhoolla caddaynayo uu afkiisa dhinac anaan u maydhayo, ama labada dhaban ee afku ku kala baxo midkood aanu halkiisa ka dhaqaaqayn ee uu mid keliya afku ku durkayo.

2. Gacmaha: Haddii uu qofku awoodi waayo in uu labadiisa gacmood kor u wada qaado oo uu gaadhsiiyo meel isku mid ah, oo laga dareemo in midkood ka hoosaynayso halka ay tan kale gaadhayso.

3. Hadalka: Haddii qofka uu hadali kari waayo, ama uu mararka qaarkood ku hadlo ereyo aan la fahmi karin ujeedkooda ama aan la socon qisadii iyo sheekadii socotay, waa calaamad muujinayso in uu dhiig ku furmay maskaxda.