Khataraha Caafimaad Ee Sonkorta Ee Bukaanka Kansarka Ay Ku Keeni Karto Sonkor La’aantu

0
713

Xarunta caafimaadka ee Mayo Clinic ayaa beenisay xogaha dadka qaar aaminsan yihiin ee sheegaya in cunitaanka sonkortu uu qofka kansarka qaba ku keeni karo in uu xanuunku si xawli ah jidhkiisa ugu faafo. Mayo Clinic oo xarunteedu tahay dalka Maryakanku waxa ay sheegtay in guud ahaanba xogaha isku xidhiidhiya Kansarka iyo sonkortu ay u baahan yihiin in baadhitaanno cilmiya oo dheeraad ah. Dhammaan noocyada unugyada jidhka ayaa ku tiirsan sonkorta dhiigga ee Gulukoosta loo yaqaanno, si ay tamar u helaan. Laakiin in unugyadak ansar ay sonkor badan helaan kama dhigayso in ay dhaqso u faafaan, sida oo kalana in ay sonkortaas waayaan kama dhigayso in koritaankoodu uu gaabis noqdo.

Sida lagu sheegay warbixintan oo ay faafisay shabakadda Aljazeera, dad badan ayaa aaminsan in sonkorta oo la iska daayaa ay caawiso dawada Kansarka, laakiin waxa ay daraasadu iftiiminayaan in dhibaatada ka dhalanaysaa ay aad uga badan tahay faa’idooyinka laga filan karo.

Warbixin uu faafiyey wargeyska Le Figaro ee ka soo baxa dalka Faransiiska ayaa lagu sheegay in sonkorta oo laga maarmo iyo in la raaco nidaamka cunto iyo nafaqo ee ah in khudradaha nocyadooda la cunaa, in ay fududaynayso xakamaynta Kansarka iyo in laga ilaaliyo nafaqooyinka laga yaabo in ay koriyaan, laakiin arrintani cilmi ahaan looma xaqiijin.

Dr. Bruno Renard oo madax ka ah waaxda nafaqada ee maxadka Gustave Roussy Cancer Research Institute oo xaruntiisu tahay magaalada Paris ee dalka Faransiiska ayaa sheegay in aanu jirin nidaam cunto oo cilmi ahaan la xaqiijiyey in uu yarayn karo burooyinka kansarka iyada oo aan dawo lala isticmaalin. Waxa uu caddeeyey in unugyada Kansar ay leeyihiin awood ay ku nuugaan Guluukoosta oo toban laab ka badan awoodda unugyada caadiga ah ee jidhku ay ku nuugaan. Laakiin haddana in aanay unugyada kansar oo keliyi sonkorta ku korin, balse ay unugyada oo dhami u baahdaan, qaarkoodna si buuxdaba ugu tiirsan yihiin. Taas oo Meesha ka saaraysa in jidhku uu ka maarmi karo Gulukoosta.

Dr. Renard waxa uu sheegay in qofka oo gebi ahaanba wax kasta oo sonkor leh ka dheeraadaa ay keento dhibaato weyn oo caafimaad, maadaama oo la ogyahay in nafaqada oo yaraata iyo miisaanka oo aad hoos ugu dhacaa ay sii xumeeyaan xaaladda qofka Kansarka qaba. Mar kasta ay muruqyadu taagdarreeyaan waxaa hoos dhaca waxtarka dawada. Khabiirkan Faransiiska ahi waxa uu sheegay muruqyadu marka ay waayaan Gulukoos in ay bilaabaan in ay iyagu is cunaan, sidaas awgeed in qofku sonkorta oo dhan iska daayaa waxa ay keentaa raad taban, waxa aanay sii xumaysaa xaaladda bukaanka.

In cuntada si dabiici ah loo cuno

Mar kasta oo uu xanuunka Kansarku jidhka sii dhexgalo waxa hoos u dhaca miisaanka qofka, sidaas awgeed in qofka bukaanka kansarku uu iska ilaaliyo cuntooyinka macaanka ama sonkorta leh waxa ay keeni kartaa in xaddiga miisaanka dhacayaa uu sii bato, taasina xaaladda sii xumayso.

Dr. Renard waxa uu sheegay in unugyada kansarku ay leeyihiin awood aad u sarraysa oo ay isku gedgeddiyi karaan la qabsiga hadba xaaladda ku xeeran, sidaas awgeed marka ay waayaan sonkor ku filan, waxa ay si dhaqso ah u raadinayaan ilo kale oo tamarta ay ka helaan, kuwaas oo noqon kara in ay isticmaalaan asiidhada ‘Amiino’ ama asiidhada kale ee duxeed ee dhiigga. Ugu dambayntii digtoorku waxa uu sheegay in mar kasta oo bukaanka kansarku uu si dabiici ah cuntada u cuno in ay sii badanayso fursadaha u suurtagelinaya in aanay muruqyadiisu taagdarrayn, isla markaana uu adkaysi intii hore ka badan u yeelanayo iska caabbinta khataraha ka iman kara dawada kansarka ee uu qaadanayo.