Cimriga Aadamaha Oo Kordhay Intii Ka Dambaysay 2000 Iyo Sababa Ugu Badan Ee Dunida Maanta Loogu Dhinto (1)

0
379

Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Caafimaadka ayaa warbixin ay soo saartay 9 kii bishan Diisambar 2020 waxa ay is barbardhig ku samaysay dhimashadii dadka dunida ee sannadihii 2000 iyo 2019 ka, waxaana u soo baxday in celceliska da’da aadamuhu ay 6 sano korodhay intii ka dambaysay sannadkii 2000 oo ku eeg sannadki hore ee 2019 ka. WHO waxa ay ogaatay in celceliska da’da dhimashada ee dadku ay sannadkii 2019 kii gaadhay 73 jir halka ay sannadkii 2000 ka ahayd 67 sano jir.

Dhinaca kalana, hay’adda qaramada midoobey u qaabilsan caafimaadka ee WHO waxa ay soo saartay liiska tobanka sababood ee ugu badan ee dunida maanta loogu dhinto, kuwaas oo ah;

  1. Wadne xanuunka: Waxa uu masuul ka yahay dhimashada boqolkiiba 16 guud tirada guud ee dadka adduunka maanta ku geeriyooda. Intii ka dambaysay sannadkii 2000 ayaa ay si weyn u korodhay u dhimashada xaaladdan oo halkii ay 2 milyan tiradeeda guud ahayd ay sannadkii 2019 kii gaadhay 8.9 milyan.
  2. Faaligga ama dhiig furanka maskaxda: Boqolkiiba 11 dadka dunida maanta ku dhintaa waxa ay u dhintaan sababta dhiig maskaxda ku furmay.
  3. Xanuunka COPD: Waa Ereyo laga soo gaabiyey kelmadaha afka Ingiriisiga ah ee ‘Chronic Obstructive Pulmonary Disease’ oo ah xaalad ay xidhmaan sambabada ama marinnada hawada ee aadamuhu, dawo rasmi ahna aan lahayn ee lala noolaado. Xaaladdan oo marka hore ku bilaabata in qofku marka uu daalo oo keliya dareemo ayaa ugu dambaynta isu beddesha cudur halis ah. Sababaha keenana waxaa ugu horreeya sigaar nuugista, wasakhowga hawada, hidde raac, dadka xiiqda qaba oo xaaladdoodu sii xumaato iyo boodhka / dhaska goobaha shaqada iyo maaddooyinka kiimikaad qiiqa mishiinada oo muddo dheer la neefsado. Calaamadaha lagu garto waxaa ka mid ah qufac,neefsiga oo qofka dhib ku noqda, duuf, iyo hindhiso badan.

Boqolkiiba 6 dadka dunida maalin kasta ku geeriyooda ka mid ah ayaa u dhinta xaaladdan.

  1. Caabuqa qaybta hoos ee habdhiska neerfsiga: Waxa uu ka mid yahay xanuunnada caabuqa kuwooda ugu khatarta badan. Waa caabuq ku dhacaya qaybta hoose ee habdhiska neerfsiga, taas oo ah sambabada, hungruiga qaybta hoose iyo huguri cadka. Inkasta oo sannadihii u dambeeyey ay aad hoos ugu dhacday tirada dadka u dhintaa. Tusaale ahaan sannadkii 2019 kii waxaa dunida xanuunkan ugu dhintay 2.6 Milyan oo qof, taas oo 460 kun ka yar tirada u dhimatay sannadkii 2000.
  2. Xaaladda carruurta dhalatay u dhintaan: Waxaa jira xaalado kala duwan oo ay inta badan u dhintaan carruurta dhalatay. Waxaa ka mid ah neef-qabatowga carruurta qaar ku dhaca xilliga umusha (Asphyxia), caabuqa, xaaladaha farsamo iyo caafimaad ee xilliga dhalashada dhaca iyo dhiig-xumaanshiyaha; xaaladdan oo aynu magacan innagu ula baxnay waxaa afka ingiriisiga lagu yidhaahdaa ‘Neonatal Sepsis’. Waa xaala dillaa ah oo timaadda marka uu jidhka ilmaha yari isku dayo in uu ka jawaabo caabuq dhaawac ku keena nudaha ama unugyada.

Inkasta oo dhimashada carruurta shan jir ka yari ay labaatankii sano ee u dambeeyey yaraatay, haddana weaxa ay weli ka mid tahay xaaladaha ugu badan ee adduunka loogu dhinto.  Tusaale ahaan sannadkii 2019 ka carruur 2 milyan ah oo ka yar shan jir ayaa dhintay, tiradaas oo ka badan tirada carruurtii dhimatay sannadkii 2000 oo lagu qiyaasay 1.2 Milyan oo carruur ah.