Cimriga Aadamaha Oo Kordhay Intii Ka Dambaysay 2000 Iyo Sababa Ugu Badan Ee Dunida Maanta Loogu Dhinto (2)

0
382
  1. Kansarka neefmareenka: Kansarka ku dhaca hunguri cadka, dhuumaha neefta, iyo kansarka sambabada, ayaa noqday xaaladda lixaad ee loogu dhimashada badan yahay dunida maanta. Sannadkii 2000 dadka xaaladdan u dhintay tiradoodu waxa ay gaadhay 1.2 Milyan oo ruux, laakiin sannadkii 2019 ka markii la soo gaadhay tiradaasi waa ay sii korodhay oo dadka u dhintay xaaladdani waxad ay gaadheen 1.8 Milyan oo doolar.
  2. Xanuunnadaa Alzheimer’s iyo Dementia: Labadan xanuun oo maskaxda abbaaraa waa xanuunka toddobaad ee dunida maanta loogu dhimashada badan yahay. Marka si guud dunida oo dhan loo qiimeeyana dumarka ayaa boqolkiiba 65 ka ah dadka u dhinta xdanuunka Alzheimer iyo xanuunnada la hal maala.

Alzheimer’s waa xanuun aan laga bogsan oo dhaawac u geysta nidaamka shaqo ee maskaxda qofka, waxa aanu marba marka ka dambaysa sii burburiyaa xusuusta qofka iyo awoodda xirfadeed ee maskaxda. Dadka uu xanuunkani ku dhaco badankood waxaa lagu arkaa marka ay gaadhaan da’da lixdamaadka. Waxa kale oo jira xanuunka Dementia oo isaguna si guud keena in xusuustu ay qofka ka guurto, in luuqadda uu ku hadli jiray uu illaawo, isla markaana gaabis ku keena awoodda maskaxdiisa ee xallinta mushikadalaha nolosha iyo fikirka. Waxaa la aaminsan yahay in Alzheimers ku uu dhalo Dementia.

  1. Shubanka: Xanuunka siddeedaad ee dunida loogu dhimashada badan yahay waa calool shubanka. Laakiin hoos u dhac weyn ayaa sannadihii u dambeeyey ku yimi xaaladdan iyo tirada dadka u dhintaba lagu. Tusaale ahaan sannadkii 2000 waxaa dunida shuban ugu dhintay dad ka badan 2.6 Milyan oo ruux, laakiin sannadkii 2019 kii tiradaasi waxa ay hoos ugu soo nootay 1.5 Milyan oo ruux.

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in shubanku maalmo yar gudahood  uu jidhka kaga saaro xaddiga biyaha iyo macdanaha kale ee khatarta gelinaya nolosha qofka. Dadka ugu badan ee shubanka u dhintaa, sababta runta ah ee dhimashadoodu waa engagga daran ee jidhka uu ku keenayo, iyo dareeraha jidhku u baahan yahay oo uu ka wada saaro.

Dadka qaba xanuunka HIV/AIDS ka iyo carruurta aanay fiicnayn nafaqadoodu ama dhibaato dhinaca dheefshiidka ah ayaa ah kuwa ugu badan ee u dhinta shubkan.

  1. Macaanka: Xanuunka macaanka ayaa isna ku jira liiska tobanka cudur ee dunida loogu dhimashada badan yahay. Tirada dadka xanuunkan qaba ayaa intii ka dambaysay 2000 waxa ay korodhay boqolkiiba 70 jeer.
  2. Kelyo xanuun: Xanuunnada keliyaha ku dhaca ayaa ah sabab kale oo dunida maanta dadku aad ugu dhintaan, tirada dadkii keliyo xanuunka u dhashay sannadkii 2000 waxa ay gaadhay 813 kun oo qof, laakiin labaatan sano gudahoodna ayaa ay tiradaasi korodhay, iyada oo sannadkii 2019 kii gaadhay 1.3 Milyan.Cimrigu intii hore waa uu ka kordhay laakiin…!

    Hay’adda caafimaadka adduunka ayaa sheegtay in sahamino la sameeyey ay muujinayaan in cimriga dadku uu kordhay labaatankii sano ee u dambeeyey laakiin ay sida oo kale la kordheen dhibaatooyinka caafimaadku. WHO ayaa caddaysay in sannadkii 2019 ka la dareemayey in cimriga dadku celcelis ahaan 6 sano ka kordhay intii uu ahaa sannadkii 2000, oo dadku celcelis ahaan ku dhimanayeen 67 sano jir. Laakiin warbixinta hay’adda qaramada midoobey waxa ay hoosta ka xariiqday in lixda sano ee ku kordhay celceliska cimriga aadamaha ay shan snao yihiin kuwo caafimaad wanaagsan loo rajaynayo halka sannadka soo hadhay iyo ciddii sii dhaaftaba inta ku korodhaa qofka laga filayo in xaaladdiisa caafimaad aanay fiicnaan.

    Bidhaamaha togan

    Hay’adda Caafimaadka adduunka ee WHO waxa ay sheegtay in xanuunka HIV/AIDS ku uu hoos uga dhacay heerkii uu hore ugaga jiray liiska xanuunnada loo dhintay. Sannadkii 200 waxa uu ahaa xanuunka siddeedaad ee dadka dunidu u dhintaan sannad kasta, laakiin labaatan sano ku dhowaad kaddib waxa uu sannadkii 2019 kaalinta 19 naad ka galay liiska xanuunnada ugu badan ee ay dadka dunidu u dhintaan. Arrintan ayaa sababteeda loo tirinayaa dadaal xooggan oo labaatankii sano ee u dambeeyey loo galay xakamaynta xanuunkan iyo in la helo dawooyin awood badan oo suurtagelinaya in lala noolaan karo dhib la’aan.

    Marka laga hadlayo qaaradda Afrika oo sannado badan ahayd meelaha uu dadka ugu badan ku dilo xanuunka HIV/AIDS ka ayaa ay hay’adda WHO sheegaysaa in inkasta oo uu weli qaaraddan gaarkeeda ka yahay xanuunka Afaraad ee dadku ugu dhintaan, haddana in tirada dadka dhimanaya oo sannadkii 2000 ka badnayd 2 milyan oo qof sannadkii in tiradaasi ay sannadkii 2019 kii noqotay in 435 kun oo qof in ay u dhinteen.

    Warka kale ee fiican ayaa ah in xanuunka Qaaxadu (TB) uu labaatankii sano ee u dambeeyey boqolkiiba 30 hoos uga dhacay sidii uu ahaa. jiray. Sannadkii 2000 iyo ka hor waxa uu ahaan jiray xanuunka toddobaad ee dunida loogu dhimashada badan yahay, laakiin sannadkii 2019 waxa uu noqday kaalinta saddex iyo tobnaad ee xanuunnada loo dhinto adduunka, in kasta oo marka qaaradda Afrika gaarkeeda loo qiimeeyo uu xanuunka Qaaxadu weli kaalinta siddeedaad kaga jiro xanuunnada loo dhinto.

    WHO waxa ay sheegtay in intii ka dambaysay sannadkii 2000 ay markii hore aad u korodhay tirada dadka u dhimanaya xanuunka Qaaxada, laakiin xaaladdu ay soo wanaagsanaatay sannadihii yaraa ee u dambeeyey oo uu xanuun ku hoos u dhacay.